Lacibkii Hore Barca iyo Real Michael Laudrup Oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Tababaraha Swansea.

Aqrisatay:376

Swansea City ayaa xaqiijisay Michael Laudrup inuu noqday tababarahooda cusub.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa hore qibrad ugu lahaa tababarenimada isagoo la soo shaqeeyay kooxaha Brondy, Getafe, Spartak Moscow iyo dhawaan oo uu la shaqeeyay Real Mallorca, waxaana uu haatan Swansea u saxiixay heshiis labo sanno ah.

Ku dhawaaqistaan ayaa imaaneysa ka dib markii tababarihii hore Brendan Rodgers uu bilowgii bishaan si rasmi ah ugu biiray kooxda Liverpool.

Rodgers ayaa ku hogaamiyay kooxda Swansea markii ugu joreysay Premier League xagaagii hore, ka hor inta aysan horyaalka ku dhameysan kaalinta 11aad.

 

 

arar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com

 

Farhiyo Abdillahi Sheikh(faynus sheikh)

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media