kulamo Deg-Deg ah jaaliyada soomaaliya Digil-Mirifle ee Australi?
Aqrisatay:644waxaa magalaada Melbourne kulan degdeg ah isugu yimid Jaaliyada Digil Mirifle, Australia. Shirka waxaa loogu hadlay arrimo la xariiran dhisida dowlada goboleedka deegaanada Digil-Mirifle ee Soomaaliya.
Kulankaan degdeg ahaa waxaa kasoo qayb galay kooram buuxa oo ka mid ah xubnaha Jaalliyadda, waxaana kulanka shirguddoominayey Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Aweys Sheikh Muxiyadiin Amiin oo ay garab fadhiyeen labadiisa guddoomiye kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim (Sydney) iyo Mudane Cabdi Cabdiraxmaan Sheekh, iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud. Waxaa shirk aka soo qayb gashay Fadumo Hussein (Faayow) booqasho rasmi ah noogu timid magaaladda Brisbane. Faayow oo in muddo ku maqneed Soomaalya howlo la xariira dhismaha dowlad gobleedka ayaa warbixin ka bixisay qaabka ay u socdaan dhismaha dowlad ee degaanada Digil-Mirifle.


Mudade: AWES AMIN-GUDDOOMIYAHA JAALIYADA DM, AUSTRALIA, Marwo: FADUMO XUSSEIN (Faayow), Photo: Sara Amin
Ajandaha kulankaan degdegga ahaa laysugu yeeray si qotadheerna halkaa loogu lafaguray wuxuu ahaa howsha dhismaha dowlad-goboleedka Koofureed ee haatan ka socota Muqdisho iyo qaabkii Jaaliyada door weyn ugu qaadan laheed dhisida maamulkaas.
Melbourne (BANOODA)-02/12/2012-Shir ay ka soo qayb galeen Jaaliyada Digil-Mirifle ee Australia ayaa lagu qabtay hoteelka Regency, Melbourne. Waxaa kale ka soo qayb galay Mudane Awes Sh. Muxiyadiin Amin-Guddoomiyaha Jaaliyada Digil-Mirifle ee Australia, Jeneraal Maxamed Cali Atoosh oo ahaa Wasiir K/X Wasaarada Gaashandhiga DFS, iyo Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Jaaliyadda.

Photo: Sara Amin

Mudane: GENERAL MAXAMED CALI ATOOSH, Photo: Sara Amin
Dr. Maxamed Cali Xaamuud, Awes Sh. Muxiyadiin Amin iyo Jeneral Maxamed Clai Atoosh. Photo: Sara Amin

Photo: Sara Amin






















