Thursday, April 17th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kufsiga loo Geysto Dumarka oo Ku Soo Badanaya Soomaaliland

Aqrisatay:2291

Hargeisa1Falalka Kufsiga ah ayaa ku soo badanayay Somaliland mudo lagu qiyaasay labadii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaana Ururadda Xuquuqda aadamaha ka soo baxaya Baaqyo iyo fariimo ay Dawlada u soo jeedinayaan oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa.
Guddoomiyaha Dalada Xuquuqdaha Aadamaha ee Somaliland Axmed Yuusuf Xuseen, ayaa Wargeyska Waaheen u sheegay in Korodhka Kiisaska Kufsiga ahi marayaan Marxalad xaasaasiya oo u baahan in dhakhso wax looga qabto.
Guddoomiye Axmed Yuusuf Xuseen isagoo ka hadlaya arimahaasi, waxa uu yidhi “Falalka Kufsiga ahi way bateen sanadihii u dambeeyay, waxaana ugu wacan sharciga ka yaala Dabiyada Kufsiga oo aan ahayn kuwo dabraya dadka Kufsiga ku kaca oo ciqaab culus oo ay dadku ku tusaale qaataan ahayn, waayo hadii Kufsi dhaco waxa mararka qaar dhacda in Xeer dhaqameed lagu xaliyo oo aan la xeerin xuquuqdii Gabadha la waxyeeleeyay”ayuu yidhi.
Axmed Yuusuf Xuseen waxa kale oo uu intaasi ku daray “sidaa darteed anigoo ku hadlaya afka Dalada Xuquuqda aadamaha ee Geeska Afrika, Waxaan Madaxweynaha iyo Golayaasha kale ee qaranka u soo jeedinaynaa in Xeer adag oo lagu xakamaynayo Kufsiga la sameeyo, oo ugu yaraan Xabsi daayim ugu badnaana dil lagu xukumaa qofka Fal kufsi ah ku kaca, hay’adaha Xuquuqda aadamuhu waxay kula talinayaan Madaxweynaha in arintaasi dhakhso loo socodsiiyo oo Golaayasha Xeer dejintu arintaasi hoos u eegaan”ayuu yidhi.
Geesta kale, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Xukuumadda Somaliland Nimco Xuseen Jaahuur ayaa dhawaan sheegtay inay si aad ah u kordheen falalka Kufsiga ahi, waxaanay sheegtay inay sanadkii hore dalka ka dhaceen ilaa 174 Kiis oo Kufsi ahi, taasoo ay ku tilmaantay xaalad u baahan in dhakhso wax loog qabto “Sanadkii hore ilaa 174 Kiis oo Kufsi ah ayaa dalka ka dhacay, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan”ayay sheegtay Guddoomiyuhu
Waxaanay In-dheer Garadka Bulshada iyo Culimadda diinta u soo jeedisay “ markaa waxaan culimada diinta, Dadka waxgaradka ah iyo Madaxdhaqameedkaba Bulshadaba ugu baaqayaa in layska kaashado sidii arintaasi wax looga qaban lahaa ee Masaajiida iyo goobaha kale ee lagu kulmo loogaga hadli lahaa, ee dhalinyarada looga wacy-gelin lahaa”ayay tidhi.
Dabayaaqadii Bishii hore ee sanadkan ayay ahayd markii uu Fal Kufsi ah oo noociisu dhif iyo Naadir ku yahay gudaha Somaliland ka dhacay meel wax yar u jirta Tuulada Lowyo caddo ee Xuduudka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaanu kiiskaasi ahaa sida la sheegay Kufsi ay Rag deegaankaasi ka soo jeedaa kula kaceen saddex Hablood oo u safrayay dhinaca dalka Jabuuti.
Xigasho : Waaheen.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media