Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kooxda Xulka Barcelona Oo Dooneysa Inay Iska Sii Heysato Kobabka Qarada Spain Iyo Yurub Ilaa Sanadaha Soo Socda.

Aqrisatay:2893

Madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay dooneyso inay iska heysato kubada Spain iyo tan Yurub sannadaha soo socda.

Kooxda Barcelona oo dad badan ay haatan u texgeliyaan kooxdii ugu fiicneyd ee duniada soo marta ayaa ku riyaaqday guulo waa weyn afartii sanno ee u danbeysay oo ay ku jirto labo Champions League iyo koobab kale oo maxali ah.

Hadana inkastoo ay guulahaas gaareen, Rosell ayaa aaminsan in waayahooda dahabiga ah inay ka sii balaarin doonaan seddexda ama afarta sanno ee ay waarto.

 

“Caadiyan waayaha dahabiga ee kubada cagta aad ku heysan karto waxa uu waaraa seddex sanno, ka dibna gadaal ayaad u laabaneysaa” ayuu Rosell u sheegay jariirada Sport.

“Haatan anaga guulaheena waxa ay waareen afar sanno. Sannadkana waxaan ku bilaabanay si fiican, waxaana rajeyneynaa inaan ka sii dhigno shan, lix… waxaan dooneynaa inaan jabino caadada ah in waayaha dahabiga  kubada cagta uu waaro kaliya seddex sanno.

“Haatan waxaan heysanaa Tito Vilnova labada sanno ee soo socota, waxaana rajeynayaa inay jiri doonto labo kale, afar kale, seddex kale… sababtoo ah waxa ay la micno noqoneysaa inaan markaas hagaagsanahay, islamarkaana go’aankii aan shaqaaleysiinay Vilanova uu sax yahay.”

 

Adno Mowliid Qorgab.{xilwa}

Share
  • One Response to Kooxda Xulka Barcelona Oo Dooneysa Inay Iska Sii Heysato Kobabka Qarada Spain Iyo Yurub Ilaa Sanadaha Soo Socda.

    1. Moha says:

      Shaki maaa kujira Barcelona inee wali tahay koxda ugu fiican dunida

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media