Kooxda Chelsea ayaa si Xarago Leh Uga Badisay Kooxda Tottenham

Aqrisatay:530

Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea ayaa  Horyaalka Ingiriiska markii ay Guul ka gaaratay Kulankeedii ahaa London Derby.
Blues, Garoonka Stam Ford Bridge ayay ku Marti qaaday Xalay kooxda Tottenham oo ka dhisan Woqooyiga London, waxa ayna uga farxalatay 2-1.
Spurs oo goolka la hor martay ayaa waxaa u saxiixay Xiddiga reer Brazil ee qadka dhexe Sandro, hse yeeshee waxaa Kansalay Lampard oo Darbo Xoog badan kusoo gamay gool ilaaliyaha Spurs oo ku qasabtay in ay ka fara baxsato.
Dhamaadka Cayaarta ayay heleen goolka guusha Wiilasha Macallin Anceloti, waxaana Kubbad ay kusoo rafteen Drogba iyo Anelka dhameestiray Kalou.
Diifacatada Horyaalkan ayaa usoo jirsatay kooxda Hogaanka heyso ee Manchester United 3 dhibic oo kaliya, inkastoo United Maanta ay la cayaari doonto kooxda Arsenal.

xafiiska wararka horyaalmedia nairobi_kenya
www.horyaalmedia.com
email:info@horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media