Wednesday, April 23rd, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kooxda Banadir SC oo dhisaneysa Garoon Cows Leh (Sawirro)

Aqrisatay:4451

Banaandir4Masuuliyiin ka tirsan kooxda kubadda cagta ee Banaadir Sports Club oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Masuuliyiin ka socotay shirkadda Greenfiels ee qaabilsan dhigidda Cowska aan dabiiciga aheyn garoomada kubadda cagta.

 

Xoghayaha guud ee kooxda Banaadir SC, Abuukar Max’ed Sheekh, oo kulan dheer la qaatay Sophocles oo ahaa kabiirka ka socday shirkaddan, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii garoon ay dhisaneyso kooxda Banaadir SC loogu gogli lahaa Cowska Aartifishalka ah.

 

“Waxa ay inoo ballan qaadeen in ay nala galayaan heshiis aynu ku dhisaneyno garoon casri ah, waxaana ku ballanay ballanay in bisha March kulan kale yeelano” ayuu yiri Abuukar Max’ed Sheekh.

 

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Holland ayaa ah shirkadda dhigtay Cowska Aaritifishalka ah garoonka Banadir Stadium ee magaalada Muqdisho.

 

C/salan Xasan Daa’uud oo ah Khabiir dhinaca Isboortiga ah, oo kulanka labada dhinac ka qeyb galay ayaa saxaafadda u sheegay in tallaabada ay kooxda Banaadir SC ku dhisaneyso garoon casri ah oo Cows leh, ay tahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay xilligan.

 

Waxa uu ugu baaqay dhammaan kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya in ay tallaabo nuucaan oo kale ah qaadaan, si horumar muuqda uu u gaaro Isbooriga dalka mustaqbalka dhow.

 

Kooxda Banadir Sports Club oo horey loogu yaqaanay “Banaadir Telecom” ayaa xilli-ciyaareedkii dhammaaday ku guuleysatay koobka General Daa’uud, iyadoo horyaalka heerka koowaad ka gashay kaalinta afaraad.

 

By, Ibrahim gedow Awale (Biibbo)

Tifaftiraha Somgoal

Injineerka3@hotmail.com

Banaandir4 Banaandir3 Banaandir2 Banaandir1

 

Share
  • One Response to Kooxda Banadir SC oo dhisaneysa Garoon Cows Leh (Sawirro)

    1. xasan yare says:

      run ahaantii waa hor mar weeyn kooxda banaadir in eey eeey u hanqal taagto wax eeysan gaari karin teeda kale dhismaha garoonka ila ma ahan inuu hir galayo waayoo baandir ma ahan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media