Kalou Oo Go’aansandoona Mustaqbalkiisa Ciyaareed.
Aqrisatay:1199
Ciyaaryahanka reer Ivory Coast Saloman Kalou oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa sheegay in uusan weli go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalkiisa ciyaaraha isla markaana uu go’aan gaari doono marka ay soo dhamaato fasaxa uu ku qaadanayo dalka Maraykanka.
Kalou oo ka mid ahaa ciyaaryaanadii kooxda Chelsea ee ku guuleysatay horyaalka Yurub ee Championka waxaana laga yaabaa inuusan dib ugu laabankooxda Chelsea iyadoo uu soo dhamaaday heshiiska uu kula joogo kooxda Chelsea.
Kalou oo ka qeybgalay tartan lacago loogu ururinayay carruur agoon ah ayaa waxa uu goal.com u sheegay: “Koobka Champions League waa mid ciyaaryahan kasta uu ku riyoodo,” Kalou ayaa intaasi sii raaciyey
“Waa tartan weyn kaasoo ciyaaryahano badan oo waaweyn ay awoodi waayeen inay ku guuleystaan koobkan.
“Waa daqiiqad aan xusuusan doono inta ka dhiman nolosheyda.”
Kalou ayaan la fileyn in heshiis cusub uu u saxiixo kooxda Chelsea waxana uu intii uu ka ciyaarayay garoonka Stamford Bridge uu dhaliyey 36 gool 153 kulans waa uu saftay.
Kalou oo dhinaca weerarka boosas badan ka ciyaari kara ayaa waxaa doonaya kooxo ay ka mid yihiin Liverpool, Juventus iyo kooxo ka dhisan dalka Turkiga.
Kalou oo ku kaftamay in laga yaabo xitaa in uu magaalada New York koox ka dhisan u ciyaaro ayaa markii dambe shaaciyey in marka fasaxa u dhamaado ay wakiiladiisa go’aan ka gaari doonaan kooxda uu u ciyaari doono.
Adno Mowliid Qoor gaab
Share





















