Wednesday, April 23rd, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Jaceylka Ka Bilowda Indhaha Muxu Kaga Duwan yahay Kan Kale.

Aqrisatay:22000

jacaylku waa noocyo badan yahay mana aha wax inta buug iyo qalin loo qaato la soo koobi karo laakiin waa laga hadli karaa waxaana laga jeedin karaa mawduucyo badan oo kala jaad jaad ah,

waxaan hadaba isku deyeyaa in aan ka hadlo jacaylka ka bilaabma indhaha kaas oo ku dhaada guul ama guul daro walaw uu jacaylku asal ahaanba yahay mid ka bilaabma indhaha l

aakiin dareenka ka soo ifbaxaya badhtamaha indhaha ayaa ha mid ka duwan dareenka uu qofka binu aadanka ahi dareemo. jacaylka ka bilaabma indhuhu waa jacaylka ugu wanaagsan in la sameeyo aduunka korkiisa

waayo qofka binu aadanka ah wuxuu wax ka dareemaa meel badan waxaana ugu qiimo badan indhaha oo ay dadku badanaa qaderiyaan wuxuuna dareenka sidan ahi keenaa aamusnaan iyo in qofka aad jeceshaya la dili kari weydo,

waxaana la arkaa qof sidaa ku dhameysta iyo qof marka uu dul qaadan kari waayo ee jacaylku ku balaadho sheegta. labada qof marka ay indha iska jeclaadaan midkoodba waa dareemaa eegmada naxariista leh waxayna labadaa qof ka wada hadlaan indhaha marka ay is eegaan waxay maskaxdoodu siisaa in ay sheekaysanayaan.

mid walbana wuxuu ku qancaa ka kale daawashadiisa iyo daymada dabacsan ee uu daawanayo waxayna niyada iska yidhaahdaan waa ku dareemayaa oo ku fahmayaa in aad jeceshahay. ma kula tahay in dareen aan la qiyaasi karin uu qofka binu aadanka ahi dareemo marka uu qofka ka jecelaado indhaha

sidoo kale waxaa qof walba xaqiiqsan yahay in jacaylku yahay aragti iyo ka helitaan jacaylkuna hadii aanu aragti ku dhisneyn jacayl ma noqonayo waayo qofka camoolaha ah ma laga qabalay qof ayaan jecalahay ileen indho ma lahee

waxaana odhan karaa jacaylka ka bilaabma indhuhu wuxuu kaga duwan yahay jacaylada kale waxayaabo badan oo ay ka mid yihiin qaderin ka wanaagsan kuwa jacaylda kale, eegmo naxariis leh oo ka duwan kuwa kale taas oo sababta in labada qof iska jeclaadaan indhaha markooda hore. waxaa jira in dad badan oo qoraayaasha caalamka ah ay jacaylka u kala qaadaan qiimo badan iyaga oo mudnaanta koobaad

mar walab siinaya jacaylka ka bilaabma indha kuna dhamaada is fahanka iyo nolol wanaagsan oo la wadaago, waxaa kale oo dad u dhabo galay arimaha jacyaku cadeeyeen in qoysaska duma ee kala burburaa aduunka korksiisa aanay .

u badneyn dadk markii hore jacaylkoodu ka bilaabmay indhaha, ugu danbeyntiina waxaan odhan lahaa jacaylka indhaha laga sameeyaa waa ka wanaagsan yahay jacaylada kale walow maanta jacaylkii oo aan qiimo ku fadhiyin uu yaalo suuqyada caalmka loona adeegsado hadba sidii la doono.

Qoraa:xasankaafi xaji ahemd “xasanjaceyl”

Email: Horyaalmedia@live.com

Share
  • 4 Responses to Jaceylka Ka Bilowda Indhaha Muxu Kaga Duwan yahay Kan Kale.

    1. mustafa says:

      walaal marka hore waad salaamantahat waa side jacaylka indhaha maxa la ku garakara inta kadib maxad ka taqaan indhah xanuuka waad mahadsantahy

    2. C/raxman cabdulle cadow says:

      Marka hore wad salaamatihiin asc wr wb sln kadib jcyl aan indhaha ka bilaaban maba hirgalikaro tusaalo baahida waxa ay kabilaabataa indhaha waayo indhaha waxa aynan jeclaanin maba fiicna sida aan aamin sanahay aniga fikir ahaan teyda ninba si buu u fahmaaa jaceylka

    3. the boy of Love says:

      Aniga waxan qaba in jcylka indhaha u aad qiimo wayn leyahay

    4. mohamed says:

      waxan aaminsanahay in jclka an indhaha ka bilaaban uusan
      aheyn jcl dhab ah

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media