Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Isusoobax Lagu Weyneynayo Xuska Dhalashada Nabigena Muxamed (CSW) Oo Lagu Qabtay Nairobi + Sawwiro

Aqrisatay:1581

Ahlu-Sunna12Culimada ahlu-suna waljameeca ayaa waxaa ay maanta isku soo bax ka dhigeen magalada Nairobi,kaasi oo lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed (CSW) waxaana bartamaha xaafada soomaalida dagto ee islii isku soo baxay dhamaan Shacab aad u farabadan oo ka kala yimid guud ahaan magalada Nairobi.

Socodkan ayaa waxaa ay ku soo dhex-mareen bartamaha xaafada islii,waxaana laga maqlayay dhamaan qaybaha xaafada islii digriga ay qaadayaan dhalinyarada iyo dadka kale ee isku soo baxay,waxaana socodkooda uu ahaa  mid farxad iyo soo dhaweyn ay ka muujinayeen qayabaha kala duwan ee dadka ku dhaqan xaafada islii.

Markii ay socodka soo dhamaaden ayaa waxaa la iskugu yimid Xarunta qaybta maamulka ee degmada Kaamagunji waxaana halkaasi laga soo jeediyay Qudbado muhiim ah oo ku saabsan dhalashada nabigeena Muxamed (CSW) oo sanad walba hada oo kale la xuso,waxaana sanadkan ay ka badalneed sanadihii hore iyadoo ay isku yimaadeen dadkii ugu badnaa ee Abad iskugu yimid.

Meelo badan oo caalamka ah ayaa laga xusay dhalashada nabigeena Muxamed (CSW) waxaana dhamaan gobolada dalka somaliya looga xusay si weyn iyadoona bulshada soomaliyeed sanad walba sidan oo kale u soo dhaweyaan.

Ahlu-Sunna12 Ahlu-Sunna22 Ahlu-Sunna33 Ahlu-Sunna44 Ahlu-Sunna55

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media