Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Is qaawinta fannaaniinta ma qurux baa ku dheehan?

Aqrisatay:7141

Fiska,Ikran Caraale ,Nicmo Dareen,KabayareFanka oo lagu tilmaamo inuu yahay isku jir ka kooban balwad ama hiwaayad ay dadka qaarkiis leeyihiin iyo dareen lagu soo bandhigo hadba marxalada la joogo, ayaa wuxuu soo maray heerar kala duwan ilaa uu maanta ka joogo casrul dahabigii ugu qaalisanaa ee soo mara, maxaa yeelay waxa uu xilligaan gaaray horumarkii ugu caalamisanaa ee ay abid ku tallaabsadaan qeybaha uu ka kooban yahay fanka.

Soomaaliya oo muddo aad u fog uu ka soo jiray fanka ayaa dadkeedu waxa ay marba xilli helayeen wanaagga iyo macaanka ay leeyihiin noocyada la isku yiraahdo “FAN” waxaana garaadka ummadda ee ku aadan jeclaanta fanka uu hadba la jaan qaadayay wakhtigii la joogo, iyadoo xilligaan la tilmaamo xiisaha ay dadku u qabaan fankooda inuu taagan yahay heerkii ugu sareeyay ee aan horay loo arag, haday ahaan lahayd daawashadiisa ama dhageysigiisa.

Xornimadii 1960-kii kahor fanka Soomaaliyeed si buu u dhignaa (Yiilay), ha yeeshee wixii ka dambeeyay Lixdameeyadii ilaa toddobaatameeyadii iyo sideetameeyadii fanku si ka qara weyn sidii hore ayuu isu bedelay, waxaana uu noqday shey qof walba uu jeclaado, waxaana taa ugu wacnaa sida ay maamuladii jiray iyo shacbiguba ay u garab istaageen ilaa ruuxa fannaanka ah uu ka helay xushmad la mid ah tan la siiyo dadka madaxda ah oo kale.

Shaki kuma jiro in fanka uu qeyb libaax leh ka soo qaatay ilbaxnimo gaarsiinta dadkiisa iyo horumarinta dalkiisa, waxaana marag ma doonto ah in sodonkii sano ee u dhaxeeyay 1960-kii ilaa 1990-kii uu ku tallaabsaday horukac layaab leh ilaa ay ka gaareen in fannaaniintu ay guulo dhinaca fanka ah ay ka soo hooyaan beesha caalamka.

Horumarkaasi xowliga ku socday ee uu fanka Soomaaliyeed gaaray waxa udub dhexaad u ahaa fannaaniin isugu jiray hal-abuuro, laxamiistayaal, muusikiistayaal, heesayaal, jilayaal, majaajiliistayaal, ciyaartoy iyo howl-wadeenno kale oo aad u fara badan, waxaana qeybahaasi ugu caansanaa oo inta badan la isla wada yaqiinay wiilasha iyo gabdhaha heesa oo codkooda laga maqlayay qalab warbaahinta, waxaana in la xuso mudan in heesaha hobaladeena qaarkood ay dhici jirtay in lagu tarjumo afaf kale nuxurka iyo macaanka ay suugaanteenu leedahay darteed.

Xilli walba oo la joogo fanku waxa uu lahaa masraxiyad iyo hab si gaar ah ula saan qaadayay waayihii la joogo, haday ahaan lahayd dhanka sheekada ama dhinacyada kale ee jilliinka, labiska, gole soo joogsiga iwm, waxaase in hoosta laga xariiqo mudan in fannaaniinta qaarkeed gaar ahaan gabdhihii fanka ku jiray ay mararka qaarkood xargaha goosan jireen, iyagoo la imaanayay arrimo aan diinta iyo dhaqankuba ogoleyn, marka ay noqoto dhinaca labiska iyo dhar soo xirashada, waxaase dhanka kale jiray guddiyo si gaar ah isu xil saaray oo ka koobnaa odayaasha fanka iyo taageerayaashooda oo si hoose ama si dadban ula hadli jiray cid walba oo xadgudbeysa.

Waa suuragal in dad badan ay shalay la yaabanaayeen hab dhaqanka iyo labiska fannaaniinteena qaarkood, waxaana la rumeysan yahay in xarfaantii xilligii bari-samaadka lala amankaagi jiray dhar xirashadooda inay ka dareen kuwa maanta dhex boodaya fanka, iyadoo arrintaasin u eg tahay “Haddii waraabow yimaado, furuq fara ka leef ayuu noqdaa” taa oo macno ahaan u dhigan in kuwii hore ay wax badan dhammeen kuwa maanta.

Inkastoo ay lagama maarmaan tahay inuu fanka Soomaaliyeed la jaan qaado asaagiisa kale ee dunida ayaa misana waxaa nasiib darro ah in arrimaha qaarkood looga daydo fannaaniin Gaalo ah, iyadoo aan la eegeynin diinta iyo dhaqanka ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana wax laga yaqyasoodo ah in gabar heesaa Soomaaliyeed ah ay kaa soo hor muuqato iyadoo qaawan isla markaana isu heysata xiddigad aan la loodin karin haday ahaan lahayd dhanka luuqda, labiska, ciyaarta iyo muuqaalkeeda kale.

Shalay haddii aynu lahayn gabdho fannaaniin ah oo loogu yeeri jiray naaneesyo qurxoon sida: Hida-dhowrtii fanka, masrax buuxisadii Hobalada, Suldaantii Suugaanta, Udub dhexaadkii Masraxa iwm wallee maanta lama hayo, waxaana booskooda si xad-dhaaf ah u soo buux dhaafiyay qaar aan gaareynin kuwaasi hore, isla markaana ku tuntay xaq-dhowrkii fanka uu lahaa iyo tixgelintii ay lahaayeen daawadayaasha iyo dhageystayaasha.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay hablaha heesa waxa ay isaga mid ahaayeen ku faanidda madaxa, haday ahaan lahayd mid buruko soo xiratay iyo mid si caadi ah timaheeda u soo bandhigtay, waxayse arrintaasi ka sii dartay markii gabdhaha qaarkood ay ku dhiiradeen inay soo xirtaan saakooyin, guntiinooyin, shaarar, garanno iyo unifom kale oo aan wax garba ah lahayn iyo kuwo dhabarka oo dhan ka bannaan yahay, iyadoo mid walba aad moodo in lagula soo ballamay sidii ay balbaladeeda inta daawaneysa u tusi lahayd ama cadaanta dhabarka dusheeda ugu muujin lahayd.

Bal eeg Nimco Dareen, Farxiyo Fiski, Shamso Food, Faadumiina, Farxiya Kaba-yare, Ikraan Caraale, Laba Dhagax, Fartuun Birimo iyo kuwo aynigooda ah waxaa indhahaaga buuxinaya qaawanaantooda marka ay heesaha qaarkood qaadayaan, waxaana moodeysaa gabdhahaasi marka ay kaa soo hor muuqdaan dad aan Soomaaliba ahayn, waayo waxa ay 100% ka sii fogaanayaan diintii, dhaqankii iyo astaamihii kale ee Soomaalida uga soocneyd dadyowga kale.

Is qaawintaan ay caadeysteen gabdhaheena qeybo ka mid ah ayaa la caddeeyay inay ku xambaareyso sidii loo oran lahaa “Heblaayo waa qurux badan tahay iyo heblaayo waxay sameysay Action qatar ah iyo waliba baashaal layaab leh” iyo ereyo kale, waxaase xaqiiqo ah is qaawintu inaanay horumar iyo qurux midna keeneynin, maxaa yeelay qurux waa u dhalasho iyo tii Rabbi ku siiyo sida cadaanta, dhererka, dhex yarida, indhaha buur-buuran, suniyaasha baciidka ah, sanqaroorka dheer, dhabanada labeenta ah, dabeecadda wanaagsan, garashada qofka iwm.

Is qaawinta noocaan ah haddii ilbaxnimo, xarako iyo qurux soo jiidasho leh la moodo, waxaan shaki ku jirin in xilliyada soo socda loo tallaabi doono is qaawintaan mid ka sii daran, waxaana waxgarad badan ay ka cabsi qabaan in muddooyinka soo aadan la arko gabdho Soomaaliyeed oo calooshoodu bannaan tahay sida Hindidii oo kale, ama kuwo ku heesaya rajastiinooyin iyo surwaallo gaagaaban sida hobaladii reer galbeedka ama kuwii Latin America oo kale, waxaana in la xasuusiyo mudan fannaaniinteena sidaan u dhaqmeysa inuu ka dambeeyo sakaraad, su’aal, xisaab iyo qabri aan la ogeyn waxa lagala kulmi doono, sidaasi daraadeed waxaa ila haboon in fanku aanu ku kadsoomin dhal dhalaalka adduunyada, balse inta ay goori goor tahay la is daba qabto, la iskana daayo wax walba o xadgudub ah.

Fanku waa loo baahan yahay, fannaaniintuna waa lagama maarmaan, waxaase meesha ku jira sidee la isu waafajin karaa soo bandhigidda fan wanaagsan, iyadoo Alle la cara gelineynin, waxaana xaqiiqo ah oo aan dhihi lahaa fanku waa mindi laba af leh ee aan uga faa’iideysano dhinaca mubaaxa ah ee bannaan, iyadoo ugu dambeyntii aan ku waaninayo hablaheena fanka ku jira ee is qaawinaya inaanay arrintaasi wax qurux ah ugu jirin in la kahdo mooyee.

Waxaa Qoray:-
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Xafiiska Warbaahinta Horyaalmedia.com

Nairobi_Kenya

Horyaalmedia@live.com

Share
  • One Response to Is qaawinta fannaaniinta ma qurux baa ku dheehan?

    1. jamaal says:

      fanaaniinta kuwa ah waxey ku leyihiin muslin aanahay waxoo ilahey rali ka aheena waa sameyhaayaan munkar ey warejaayaan dad kala ajanabi ahna meel ey ku xareenayaan.waxaa iga talaa in ey iska dhafaan oo ilahey u towbad keenaan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media