Saturday, April 19th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Idaacadaan Kadisbeey Kutimide Maxaa Kaska kawaalay(Maqaal)

Aqrisatay:3661

Hana qaadka xarumo warbaahin ee xora ayaa soomaliya kusoo batay bur burkii majarihii xukunka adkaa ee jaale Maxamed Siyaad Bare kadib walow haatan isagiiba loo arko in uu ahaa iqarso oo ha iska sheegin waxa dad badan oo Saxaafada qabiir ku ahi ay isku raaceen in xiligii barisamaadkii ay rumeysnaayen in Xoriyada hadalka ay ahayd mid liidatay balse bur burkii qaranimadii Somliya Kudhacday kadib ay kasii liidatay .

Gogol dhiga warkeyga ayaan waxan ula gol leeyahay waxa maalmihii dambe Muqdisho kusoo badanayay xarumo warbaahin oo loo furanayay sida maqaaxiga oo kale walow  markaad aragto maqaaxigu uu kula qiimo weynaanayo see iyada ayaaba wax laga cunaaye waxaa kororka kasii daran aflagaadada saxafiyiintu isku hayaan iyo dilal qorsheysan oo bar bar socda waxaana mar qura maankaaga kadhax guuxo in saxafiyiinta ay kudhax jiraan kuwa ah (fadlan lacag kushubo).

Waxa hawada soogalay xili aan fogeeyn Idaacad lagu magacaabo Kulmiye oo xiligii ay hawada soo galeysay bulshadu ay u arkeysay mid dhax dhaxaad ah kana shaqeyneyso dana bulshada durbadii idaacadas waxa abwaankii yagleelay waxa uu sameeyay  hal kudhig loo ekeysiiyay mid wadaninimo kujirto  balse dib kafashilmay kaa oo ah(kulmiye kulamana jirto kaamana jirto) balse sifada halku dhigooda iya dhaqanka wariyaasha jaa ifeeyay bahda kale ee saaxiibadood ah waa laba aad ukala fog laguna tilmaami karo waa kaaf iyo kala fogi waxan durbo soo baxay halku dhig taa kadadban oo ah(Kulmiye  kaama fogee kaalay lacag sii) halku dhigan ayaa waxa qoraaga maskaxdiisa ka keenay kadib markii uu dareemay Qaladaadaka aan tafatirneen ee kabaxa xaruntaasi warbaahin.

25 january 2013 maalinimo jimca ah ayaa waxa idaacada kulmiye baxay barnaamij qorsheysan oo gaf ku ah saxafiyiinta barnaamijkaas oo kusaabsanaa falaqeyn lagu sameynayo magacyada wariyayaasha kashaqeeyo dalka iyo dibadaba hadaba ha la isweydiiyee mahadafka idaacada loo furay ayaa ah aflagaado mise idaacada tafatirka ayaa kajaha wareeray walow qaladaadka  kadhacayay idaacadana tan iyo xiligii ay hawada soo gashay ay ahaayeen kuwa soo lab laabta,

Barnaamijka aflagaadada ah ayaa waxa waday nin layiraa Ceydiid waxana kala qeyb galayay Dulyar iyo nin isku sheegay in uu katirsan yahay NOSEJ  ururka saxafiyiinta kaa oo isna lagu magacaabo Deel,

Wariyaha barnamijka waday maxuu uweydii waayay (Dulyar) ama( Deel) labadasi neynaas waxa loogu baxshay waxanse maqli jiray isma ogaa aduunkla haleeyay,

Kulmiye Radio waxa keenay in ay magaalada soo gasho waxa aas aasideeda kadambeeyay abwaan lagu ixtiraamayay in uu kamid ahaa dadkii halganka ugalay in ay ciidamadii itoobiya ay dalka isga baxaan laakin waxa idaacada sharafkeedii iyo sharafkii abwaankaba dhulka lagalay wariyeyaal aan aqoon weyn lahayn hadana iskale weynaaday saaxiibadii kale ee udhimanayay magaca saxaafada .

Raga kashaqeeya Kulmiye ayaa waxa kamid ah rag kasoo gadooday idaacada shabeele oo haatan marka loo eego Kulmiye kawanaagsan waayo Shabeele shaqsi magacii kuma mashquusho oo waxa ay kahadashaa markaa waxa ay isleedahahay waa la hadal hayaa

Gunaanadka warkeyga waxaan leeyahay kulmiye shalay kalsoono aya lagugu soo dhaweeyay maantana hanoqon bulsho kala fogeeyso iskana adkeeya barnaamijyafa aan tafatirneyn in ay idaacadiina kabaxaan,

Waxaa sharaf mudan wariyayaasha soomaaliyeed ee hawl karnimada leh iyagana waxaan leyahay .

Wariye ayaa tahay warsan sheega mooyee weedha qaldan laga masaxay.

Meel weerku joogaa  wehel idiin noqdee wel wel  waxaad kadoorateen wara sugan in aad kuweerar tagtaan.

Ruuxa labo wajiilaha wariyahana sheeganayo wacyigaa kaweyn .

Xafiiksa Sudan:khortoum

Email:insaan15@hotmail.com

Gmail:insaan115@gmail.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media