Howgallo Lagu Ugaarsanayo Dhalinyarada oo Ka Socda Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Aqrisatay:396

Howgal aad u Balaaran islamarkaana lagu ugaarsanayo Dhalinyarada ayaa saakay ka bilowday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoona howgalkaan ay sameynayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Gaashaanle Saciid Xasan Jimcaale oo ah Taliye ku xigeeenka ciidamada Booliiska ee suuqa Bakaaraha , ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in saaka ay soo qabqabteen tiro dhalinyaro ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Taliye Saciida ayaa intaaasi ku darayy in qaraxyadii ka dhacay xalay iyo shalay aysan geysan qasaaro xoogan isagoona xusay in kaliya ay jiraan dhaawacyo yar oo soo gaaray dadkii ka agdhawaa goobta.

Sidoo kale Gaashaanle Saciid Xasan,ayaa hoosta ka xariiqay inay soconayaan howgaladanaa ilaa inta laga xaqiijinayo amaanka Suuqa Weyn ee Bakaaraha .
Ugu Danbeyn Taliyaha ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada si amaanka loo xaqjiiyo.

 Email: Horyaalmedia@live.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media