Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan iyo Mahiga oo Xalay kulan aay san ka qeyb qaadan saxafda ku yeshay Magaalada Nairobi.

Aqrisatay:440

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulan xalay Magaaalada Narobi ay ku qaateen gudoomiyaha barlamanka iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonyahay, waxaa xalay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan looga hadlayay arimaha Soomaaliya ku yeeshay gudoomiyhaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

Inkastoo kulankaasi uu ahaa mid albaabada u xiran hadana ilaha waxaa ay sheegayaan in gudoomiyaha barlamanka uu kasoo horjeestay shirka bisha June ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna gudoomiyaha carabka ku dhuftay in shirkaasi ay wadato Xukuumadda oo uu tilmaamay in u jeedka gaar ah ay ka leedahay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna codsaday in shirkaasi lagu qabto meel Soomaaliya ka baxsan.
Sid ay wararka aaynu ku heleeno ayaa sheegaya Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u xilsaaran arimaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in barlamanka KMG ah Soomaaliya uu xaq u leeyahay in uu qabto doorashooyinka oo uu tibaaxay Ergayga inay dhacayso xiligii loogu talagalay ee bisha Augusta.

Markii uu soo dhamaaday kulanka Mahiga iyo Shariif Xasan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu gudoomiyaha barlamanka u dhaqaaqay dhanka wadanka Jabuuti oo uu casuumaad ka helay, waxaana la filayaa in gudoomiyaha halkaasi uu kulamo kula qaato Madaxda dalkaasi kuwaasi oo waxa ay kusaabsan yihiin aan la’ogayn.

Mohamud ali yare { Bunayste }

Email: maxamuud1433@hotmail.com

Email: horyaalmedia@gmail.com

www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media