Gudiga Olombikada Soomaaliyeed Oo Doortay Hogaan Cusub+Sawiro
Aqrisatay:2481Gudiga Olombikada Soomaaliyed ee GOS ayaa doortay Hogaan Cusub ,kadib kulan ay isugu yimaadeen Shirkii 6aad ee Gudiaga,kaasoo lagu qabtey magaalada Muqdisho.
Waxaana Goobtaasi lagu doortey hogaan cusub ee madaxda afarta 4- ta sano ee soo socoto uu yeel;an dooni Xiriirka Kubadda Cagat aSoomaaliaya.
Waxaana cod ka bixinayey ilaa 18 Mudane oo ka kala socdey xiriiro hoos taga GOS ururo iyo 5 zone oo ka socdey gobolada dalka.
Cabdullaahi Axmed Tarabi ayaa ku guulestay Jagada Gudoomiyaha Xiriirka ,isagoo ku guuleestay cod gaaraya 18 ku heley , Ku xigenka 1-aad waxaa 17 cod Ku heley Axmed Xasan cabdi (Wataac) ku xigenka 2aad, Xasan Axmed Cabdi Elman,3aad Ibraahim Abuukar Shaamow, halka Xoghayaha loo doortey Duraan Axmed Faarax.
Sidoo kale waxaa halkaasi laga aqriyey magacyada gudiga fulinta ee GOS oo dhan 12, intooda badana ay yihiin gudoomiyaasha xiriiriada marka laga yimaado Khabiir Xaaji Maxamed Coloow,Cumar Baarajab,Abuukar Isloow iyo xubno kale.
Ugu dambeytii Waxaa Madashaasi ka hadashay Masuuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubad Cagta Soomaaliyeed iyo Maamuulka Gobolka Banaadir,iyagoo dhamaantood si weyn u amaanay waqabdkii Madaxda Xirrirak Kubada cagta Soomaaliyeed.
Share



























