Gareth Bale Oo heshiis 4sano ah Usaxiixay Kooxdiisa.

Aqrisatay:931

Tottenham ayaa ku dhawaaqday in Gareth Bale uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo White Hart Lane ku sii heynaya ilaa 2016.

Xiddiga reer Wales ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Spurs, iyadoo ay doonayeen 22 jirkaan Manchester United iyo Barcelona, lakiin waxa uu haatan mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda ka dhisan waqooyiga London.

 

“Waxaan halkaan joogaa muddo shan sanno ah, waana ku riyaaqay daqiiqad walba oo ka mid ah. Taageerayaasha waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah, waana inaan abaalkooda dib ugu celiyaa, islamarkaana si fiican ugu shaqeeyaa” ayuu Bale u sheegay website-ka Tottenham.

“Kooxda horumar ayay sameyneysaa, waxaana doonaya inaan qeyb ka ahaado, sidaasi darted waa wax weyn in heshiiska la soo gabagabeeyay”.

 

Adno Mowliid Qoor gaab

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media