Ganacsiga Somaaliya Oo Kaalinta 1aad Ka galay Wax Soo Saarka Wadankan K/sudaan

Aqrisatay:552

Ganacsatada somaaliya ee wadan kan k/sudan ayaa loo aqoonsaday dadka ugu wax soo saarka badan wadan kan Qiimeyntaan oo  sanad le ah ayaa waxaa sanad walba lagu qiimeyaa  wax soo saarkada iyo ganacsiga eey wadamada ajnabiga  Ku Leh Ganacsiga Wadanka Koofurta Suudaan.

 Xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday hotel sahara eeyna kasoo qeeyb galeen madax sar sare oo ka socota dowlada k/sudaan iyo ganacsato Ku Leh MehradoWadanka Koofurta Suudaan Wadamada Ka Soo Qeyb Galay ayaa Ka Mid Ah  sida erataria itophia kenya uganda iyo waliba w/sudan.

Wasiirka ganacsida mr ali mahmed ra,sull ayaa ugu habal yeyay dadaalka somaalida iyo howl karnimadooda sidoo kale waxoow ku bogadiyay in eey howshooda sii laba jibaraan sidookale dadkii meesha ka hadlay waxaa kamid ahaa wasiirka ganacsiga ee dalka uganda mr habiib Oo Ugu Hambalyey Yay Wadamad Ganacsiga Ka Wada Koofurta Suudaan Inay Sii Laba Jibaraan .

Ugu dambeyntiina waxaa Xafladaas hadal kooban ka jeediyay gudoomiyaha gudiga ganacsatada somaliyeed ee SOBAS haaji muuse ali iyo ku xigeen kiisa Hasan dhaqane iyo sidoo kale xoghayaha guud /abdihakiim Mu’alim ahmed ugu dambeyntiina waxaa sidoo kale amaan loo jee diyay ganacsatada wadanka erataria oo ayaku kaalinta labaad soo galay waxaana si farxadi ku jirto xaflada kusoo xiiray wasiirka ganacsiga ee dowlda k/sudanmr ali mahmed ra,suul.

Koofuurta Suudaan Oo Waqti Dhow Xurnimada Ka Qaatay Waqooyiga Suudaan ayaa Waxaa Ka Socdo Dib U Dhis Xoogan yo Ganacsi Balaraan Waxaana Ka Mid Ah Wadamada Ganacsiga Ku Leh Dad Soomali ah oo Hantiooda Geeyay Iyadoo Waqtiyo Dhow Dilal Lagula Gacay Kuwo Qaar ah .

Xafiiska-Zuudaan:

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media