Gabar Soomaali 4 sano jir ah oo lagu xoogay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya
Aqrisatay:1761
Wararka laga helayo magaalada xeebta leh ee Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in labo qof ay xoogeen gabar da’deeda lagu sheegay afar sano jir
Qoyska gabadhan ayaa sheegay in ay gabadhooda waayeen iyadoo lagu tabayay in ay ku maqan tahay banaanka oo ay lasoo ciyaaraysay gabdho kale oo ay saaxiibo ahaayeen
Hase ahaatee mudo kadib ayaa la arkay gabadhan oo ku dhow in ay dhimato isla markaana la xoogay, jirkeedana uu dhaawac xoogan
“Gabadha waxaa lagu xoogay meel aan ka dheereyn guriga, waxaana ay maqnayd in mudo ah iyadoo loo moodayay in saaxiibadeed ay la ciyaarayso”ayuu sheegay aabaha gabadhan
‘Waxaan isku daynay inaan baadi goobno gabadha waxaana ka radinaynay maqaayad inoo dhaweyn oo naloogu sheegay”ayuu hadalkiisa raaciyay aabaha gabadhan
“saacadu waxaa ay ahayd lixdii habeenimo, markii aan tabnay gabadheena, waxaana ka helnay maqaayada” ayuu sheegay aabaha gabadhan oo lagu magacabo Bashir Abdi
“waa ay dhiigaysay dhamaan jirkeeda qoortana waxa kaga yaalay dhaawac xoogan”ayuu hadalkiisa raaciyay aabaha gabadhan.
Dhaawac ahaan ayaa isbitaalka loogu qaaday halkaas oo markii danbe ay ku geeriyootay sida uu xaqiijiyay aabaha gabadhan.
Waxaa uu sheegay in falkas uu gaystay nin si weyn looga yaqaanay halkaas taasna ay isaga ku noqotay mid layaab ah maadaama xitaa Ninkaas markii ay gabadhan dhalaneysay ay daris saaxiibo ahaayeen
“Ninkaas waxaa uu ahaa dariskeena aad ayaana u aqaanay ilaa markii ay gabadhan dhalanaysay. ilaa iyo haatan waan la yaabanahay sida ay arintan udhacday’a ayuu sheegay Mr Abdi
Taliyaha ciidamada booliska Mombasa Kipkemboi Rop ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah dadka looga shakisan yahay falkaas todobaadka soo aadana la gayn doono maxkamada
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay baadi goob ugu jiraan nin kale oo looga shakisan yahay inuu qeyb ka ahaa falkaas weerarka ah ee gabadha lagu kufsaday.
“waan xirnay mdi akmid ah dadkii aan kashakinay, waxaana wadnaa baaritaan waana nasiib daro in gabadhan la xoogay kahor inta aanan la dilin” ayuu sheegay Mr Rop.
Xafiiska Warbaahinta Horyaalmedia.com
Nairobi_Kenya
Horyaalmedia@live.com
Share





















