Gaari Walxa Qarxa Saaran Yihiin Oo Gordhow La Soo Dhigay Isgoyska KM 4 Ee Magalada Muqdisho:

Aqrisatay:436

Wararka Naga Soo Gaaryo Isgoyska KM4 Iyo Nawxiga Zoobe ayaa Shee gayo In Jalkaas La Soo Dhigay Goordhow Gaari Walxa Qarxa Saaran Oo La Soo Dhigay Nawaxiga Wada Laamiga Ah.

Waxaa lagu kala Cararay goor dhawayd isgoyska ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, Xili uu Madaxweyne shariif daqiiqadaha soo socda ku soo beeganyahay magaalada Muqdisho.
.
Dadka iyo gaadiidka ayaa kala dareeray, kadib markii lagu arkay gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa oo yaala afaafka hore ee Xarunta CID ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowlada KMG ayaa isku gadaamay halkaas, waxaana loo diiday in ay maraan dadka iyo gaadiidka, waxaana hakad galay isku socodka iyo dhaq dhaqaaqa Wadadaas.

Ciidamada ayaa isku gadaamay afaafka hore ee daarta Treebiyaano ilaa isgoyska Banaadir, waxaana halkaas Gaaray Quburo ka tirsan Ciidamada amisom, si ay gaarigaas laga soo Buuxiyay walxaha Qarxa ay dadka uga badbaadiyaan.

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media