Wednesday, April 23rd, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Frence oo Ka Digtay Weeraro Kaga yimaada Kooxda Shabaab

Aqrisatay:2261

Francois HollandeMadaxweynaha Dalka Frence oo mar saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ay aad u ilaalin doonaan ammaanka Magaalooyinka Dalkaasi.

Francois Hollande ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in ay galaan Ciidamadda amaanka dalkaasi feejignaan aad u xoogan oo ay ku sugayaan amaanka dalka.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in ciidamadooda Cumandoska ah ay weeraro ku qaadeen dalalka Somalia iyo Mali oo ay ku sugan yihiin Kooxo argagaxiso ah isla markaana Xagjirin ah sida uu yiri.

Hollande ayaa sheegay in ay Macquul tahay in kooxahaasi ku xiran Al-Qacida ay haatan kusoo jeestaan Dalka France, isla markaana falal argagax ah ay kasuubiyaan.

Habeenkii ay Sabtida soo galaysay ayay ahayd Markii Ciidamo katirsan kuwa aad loo tababaray ee dalka France ay Weerar ku qaadeen Magaaladda Buulo Mareer ee dalkeena Soomaaliya halkaasi oo ay Faransiisku sheegeen in lagu hayay Denis Allex oo ahaa Sarkaal katirsanaa Ciidamada Faransiis oo isaga 2009 Mogadishu ay kaqabsadeen Kooxda Shabaab, waxaana france ay sheegtay in ay ku doonayeen Howlgalkoodii fashilmay in ay kusoo badbaadiyaan ninkaasi balse la dilay sida ay sheegeen.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media