Sunday, April 20th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faroole: “Hadaan leys indha tireyna reer Puntland dhulkooda ayaa lagu dhisay Dowlada Soomaaliya”

Aqrisatay:1771

Faroole1Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo hadlay ayaa si kulul u sheegay in Aqoonsiga Maraykanku uu u fidiyay dowladda Soomaaliya uu san wax isbadal ah ku keeneyn siyaasada Maamulkiisa.
Faroole oo hadalkiisa uu kululaa ayaa tilmaamay in cidna cidkale aysan hormarkeeda ka hor istaaki garin waxana uu intaasi ku daray in dowladda hada Maraykanku Aqoonsaday lagu soo dhisay Dastuurkii lagu sameeyay Puntlanad.
“Maalmahan waxaa leysla dhexmarayay Maraykanka baa dalkii Aqoonsadayoo waxbaa is bedelaya, war waxaan leeyahay sidii la doono yaan loo hadlin taana yaan la rumeysan cidna cidkale Hormarkeeda kama hor istaagi karto Dowlada federaalka ee la sheegayo waxaa lagu dhisay Dastuurkii lagu sameeyey Puntland” Ayuu yiri Faroole.
Madaxweynaha Puntland carabka ku dhuftay in hadii aan la is ogoleysiin karin Soomaalida oo dhan ay ha boontahay in ay tashato Puntland islamarkaana ay u dagsanyihiin hadafyo iyo qorshayaal iyaga u gaar ah.
“Hadaan leys indha tireyna reer Puntland dhulkooda ayaa lagu dhisay Dowlada Soomaaliya iminka ka jirta hadiise leys ogoleysiin karin Soomali weyn Puntland wey tashaneysaa waxbaana inoo Dagsan waana la yaqaanaa” sidaasi waxaa markale sheegay Madaxweyne Faroole.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay Maamul u sameynta gobolada dalka ee ay wado dowladda Soomaaliya, waxaana uu xusay in sida wax loo wado aysan ka daadagin Puntlan islamarkaana loo baahan yahay in la cadeeyo.
“Waxaan leeyahay yaan been laysku sheegin oo la oran Maamulada Gobolada Somaaliya inagaa idiin dhiseyna si ku meelgaar ah sida ay sheegeen Madaxda Dowlada Somaaliya, qaabka wax loowadana runtii nagama daadagin mana aqbaleyno Arimaha aan leysla ogayn ee sida hoose u socda, ma aqbaleyno in Dastuurkii dhibkii la ogaa aynu kasoo marnay in sidii la doono loogu tunto anagana aan ka aamusno ma dhacayso , wadahadal iyo xiriiro ayaa jira, laakiin waxaan leeyahay ama isla go’nay ama heshiishiinay Maslaxadse Diyaar baanu u nahay Hadaan nahay Dowlada Puntland iyo Shacabkeeda” Faroole ayaa sidaan sheegay.
Hadalka Faroole ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliyeed ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dadaaleyso soo celinta xiriirka dibada laakiin tan ayaa noqoneysa dhawac gudaha ah oo u baahan in la dabiibo.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media