Farmaajo oo ugu dhow Musharaxiinta Madaxtinimada, Soomaaliya(Warbaxin)

Aqrisatay:972

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ra,iisulwsaarahi hore  Xukumadi Tayo, ayaa la saadaliyay in uu yahay ninka kaliya ugu dhow Musharaxinta u taagan bisha Agost in xilka madaxweynaha Soomaaliya qabtan.

Soomaalida ku dhaqan dalka iyo dibadiisa, ayaa tageero buuxdo la garab taagan Ra,iisul wsaarahi hore Soomaaliya, Mudane  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tira koob dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in u yahay ninka ugu dhow bisha agost xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee loogu baxaya KMG.

Farmaajo ayaa shacbiyada ku mutestay xiliga uu  Ra,iisulwasaraha  xukumada loogu magac daray Tayo oo shacabka wax qabeedka noqtay mid aad usoo jiita.

Waxaa lagu balansan yahay bisha aan ku gudo jirno, ee agost in doorasho guud dalka ka dhacdo si loogu baxo KMG, waxaa u taagan Musharaxiinta aad u fara badan kuba oo doonaya in uu mid waliba Madaxweynaha dalka Soomaaliya, majaraha u qabto.

balse saadaasha iyo tira koob lagu sameeyay codada shacabka inta badan waxaa aay u saadaliyeen in Farmaajo yahay ninka ugu horeeya haatan la dhahi kara waa Musharaxa ugu dhow Agost.

Si kas taba ha ahaate  waxaa dhawaan dalka Soomaaliya, gudahiisa ka dhaci doono dorasho guud.
By   Nuur Ismail  Sheikh

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media