Fadeexad:- Ugaaska Beesha Cowlyahan ee Ogaden oo iibsaday xubinta Baarlamaanka ee Beeshiisa.

Aqrisatay:967

Ugaaska Beesha Cowlyahan ee Ogaden UGAAS XUSEEN UGAAS MAXAMUUD UGAAS QORANE ayaa Talaabo Foolxumo ah ku dhaqaaqay kadib markii uu iibsaday Xubinihii Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya u matali lahaa Beesha Cowlyahan ee Ogaden.

Beesha Cowlyahan ayaa kulamo ay horey ugu yeesheen Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho Wexey isku waafaqeen oo ay ku soo Xusheen in Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya ay u matalaan xubno ay beeshu soo xulatay kuwaasoo leh aqoon iyo karti ay ku hawl geli karaan isla markaana tartan ku yimid ee aan ku imaan laaluush iyo musuqmaasuq.

Laakiin markii Muqdisho uu ka furmay Shirka ansixinta dastuurka iyo soo gudbinta Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka ayaa Ugaaska waxaa muqdisho kula kulmay xubno doonaya inay si kastaba ha noqotee ay helaan xubnahii barlamaanka ee beesha ayagoo aysan ka heysan wax kalsooni ah beeshooda, isla markaana ka tarjumeynin rabitaanka iyo danaha beeshooda laakiin xoogoo qarashaad ah adeegsanaya.

Soomaali horey ayey u tiri ‘ Af wax cunay Xishoo” oo intey dhinaca Ugaaska soo mareen ayey Xoogoo lacag ah siiyeen gawaarina u iibiyeen kadibna ay sababtay in UGAAS XUSEEN UGAAS MAXAMUUD UGAAS QORANE uu Xubinta Baarlamaanka u mataleysa Beesha Cawlyahan/Ogaden uu ku qoray dad aysan beeshu cod siinin, kuwaas oo aan buuxin karin shuruudaha xildhibaanada cusub.

Odayaasha dhaqanka ee Beesha Cawlyahan ayaa markii ay hadalkaan maqleen wexey sameeyeen Kulamo ay uga soo horjeedaan Talaabada uu qaaday Ugaaska Maadaama horey loogu balamay in uu Magacaabo xubnaha ay beeshu u garatay inay matali karaan lana jaanqaadi karaan geeddi socodka nabadda.

Oday dhaqameed kamid ah Beesha ayaa sheegay in uu iminka dib u gocanayo hadal uu horey Ugaaska ugu yiri oo ahaa “ ka waran Hebeloow Nin Gabar kaa doonaya oo Gabaati aan ku siineyn” Taasi oo uu ula jeeday Ugaasku Ninkaan dhaqaale i siin waxba ma helayo.

Sikastaba Ugaaska Beesha Cawlyahay ee Ogaden UGAAS XUSEEN UGAAS MAXAMUUD UGAAS QORANE ayaa xubintii Baarlamaanka ee Beeshiisa ka iibsaday xubno kale oo aan ahayn kuwii beeshu u soo xulatay.

Halku dhigga Ugaaska ayaa ah “ Gabadhaada Masiin laheyd nin aan Gabaati ku siin “ oo lamicno ah nin aan Lacag isiin sidee Xubin Baarlamaan u magacaabaa, maxaase danaha beesha iga galay hadii aan lacag helayo.

Beesha Cawlyahan ayaa shirar kala gooni gooni ah qaadaneysa waxaana laga yaabaa in maalmaha soo aadan ay Xilka Ugaasnimada ka qaadaan UGAAS XUSEEN UGAAS MAXAMUUD UGAAS QORANE oo iibsaday Xubintii Baarlamaanka ee Beesha.

Documentiyada ay kala sixiixdeen Ugaaska iyo Beesha halkaan ka arag.




Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media