Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah fahin ka soo baxaysa Qaraxii ka Dhacay Afaafka Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Saacid

Aqrisatay:1471

QaraxAfaafka hore ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa saakay waxaa isku qarxiyay Qof Naftiis hure ah, waxaana ku dhintay mid kamid ah Ilaalada Xafiiska Ra’iisul wasaare Shirdoon.

Laamaha Amaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu geystay qof waxyaabo qarxa isku soo xiray, wuxuuna ku qarxay inta u dhexeysa Xarunta Nabad Sugidda iyo Villa Soomaaliya gaar ahaan agagaaraha xafiiska Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Naftiis hurahaan ayaa qarxay Markii Askarta dowladda ay joojiyeen kadibna markuu ka dhago adeygay ay rasaas ku fureen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uu doonayay inuu qarxiyo Xarunta Nabad sugidda, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay inuu qaraxa ka dambeeyay.

Ra’iisul wasaaraha waxaa la sheegay in uu Xafiiskiisa ku jiray markii uu qaraxa dhacayay wax dhibaato ahna masoo gaarin.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media