Dowlada Kenya Oo Shaacisay Dadkii Ka Dambeyay Qaraxii Ka Dhacay Wadada Moi Ee Magalada Nairobi:
Aqrisatay:822
Saraakiisha amaanka iyo kuwa Booliska Kenya ayaa shaaciyay in la gacanta Lagu Soo Dhigay qaar ka mid ah dadkii ka danbeeyay Qaraxii Daraad ka dhacay Wadada Moi Evinue Ee Magalada Nairobi .
Qaraxan oo ka dhacay wado muhiim u ah ganacsiga dalka Kenya ee wadada Moi ee magaaladda Nairobi, ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 3-qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 30-qof oo qaarkood dhaawacyadooda liitaan.
Hay’adaha amaanka Kenya iyo Saldhigyada dalka Kenya ayaa loo Qaybiyay magaca Imrah Erdogan iyo sawirka ninkan oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ka danbeeyay Qaraxaas.
Wararka ayaa sheegaya in baaritaano socday 48-saac kadib oo ay ka qeyb qaateen CIA-da Mareykanka lagu ogaaday in Qaraxan uu ahaa Walxa kiimiko ah oo halkaas la dhigay.
Afhayeenka ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay in labo nin looga shakisan yahay qaraxaas gacanta lagu dhigay halka baadi goob loogu jiro nin kale oo la rumaysan yahay in uu katirsanaa Kooxda Al- Shabaab.
Imrah Erdogan ayaa la sheegay in uu soo galay dalka Kenya 3-dii Bishan May waxaana Hay’adaha amaanka la Galiyay Heegan waxaana dadka lagu wargaliyay in ay shaqsigaas soo qabtaan qofkii arka.
Dowlada Kenya ayaa ah Dowlad hay’adaheeda amaanka ay yihiin kuwa aad u sareeya ama Aqoon u leh sirdoonka, waxaana la sheegaa in ay tahay Dowlada ugu wayn dhinaca Sirdoonka dalka afrika.
Ilaa Hada Ma Jiraan Cid Si Ras Mi ah U Sheegatay Qaraxaan La Dhigay Faras Maglada Magalada Nairobi Wado aad U Mashquul Ah iyadoo Madxda Dowlada Kenya ay Isku Qilafeen Markii Hore Qaraxaan Waxa uu Yahay Iyadoo Qaar Kamid ah ay Warbaahinta U Shegayn Inay Tahay Koronto Qaraxday Kuwa Kalana ay Dhaheen Inay Ahayd Fal Argagixiso ah.
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Www.horyaalmedia.com
Share





















