DOWLADA KENYA OO KA CABSI QABTA IN DALKA INTIISA KALE EEY KA GO,DO XEEBTA BOMBASA
Aqrisatay:872
dowladda Kenya ayaa ka wal-walsan go’aan ay maxkamada sare ee dalkaasi ay ku ogolaatey in ay dalkaasi ka howl-gasho koox dooneysa in gobolka xeebta uu gooni ka noqda dalka intiisa kale.
Maxkamad fadhigeeda yahey magaalada Mombasa, oo ah xaruunta gobolka xeebta, ayaa go’aamisey in koxdaasi aanay ahayn koox ka mamnuucan dalkaasi.
Waxay sheegayaan in dowladda Kenya aanay fulin qodobadii ay ku heshiiyeen Kenya iyo boqorkii Zanzibar oo ahaa in Mombasa iyo magaalooyinka kale ee xeebta Kenya ay qeyb ka noqdaan dalka.
Sarakiisha nabad-sugidda ee Kenya ayaa ka wal-walsan in go’aankani uu dhiira-geliyo in kabadan 30 kooxood oo kale oo horey dalka looga mamnuucey. Kooxaha laga manuucey dalka waxaa kamid ah ururka Al-Shabaab ee Somalia oo ay Kenya ku eedeyneyso inay ka dambeeyaan qaraxyada ka dhacayo dalkaasi.
Afhayeen u hadley urukani MRC Rashid Maxamad Mraja ayaa soo dhaweeyey go’aanka maxkamadda, waxaa uuna ku tilmaamey guul ay gaareen dadka degan gobolka xeebta.
Maxkamadda ayaa ugu baaqdey in ururkani uu sameysta xisbi siyaasadeed si ay ku soo bandhigaan waxyaabaha ay doonayaan, oo laakin aanay go’aankani u adeegsanin inay wadanka ka ridaan xasilooni darro.
arintan ayaa ku soo beegmeysa xili dowlada kenya eey dagaalo culus kula jirto kooxda alshabaab iyo alqaacida
XAFIISKA SOUTH SUDAN
Share






















