DOORASHADII URURKA SSSM 2013 OO KA DHACDAY MALAYSIA IYO CODBIXIYAYAASHII OO SHAKI WEYN MUUJIYAY !
Aqrisatay:1321Sanad waliba waxaa dalka malaysia ka dhaca doorasho sanad laa taas oo lagu doorto gudoomiye cusub oo hogaamiya ardayda somaliyed ee waxkabarata dalka malayisa , sanadkaan waxa ay ahayd sanad ka duwan sanadihii hore waxaana dhacay doorasho u muuqata mid xalaal ah balse laga dhehan karo musuq maasuq u janjeera hal dhinac waxaana dadkii kasoo qeyb galay dorashadaas ee donayay inay codeyaan ay u arkayn in melaha qaar ay ka dhacday ku shubasho baahsan .
Gudiga doorashada oo ka kooban 7 xubnood oo ardayda qaar ay u arkayn inay ahayeen dad lagu kalsoon yahay ayaa waxa intooda badan ay u dhaqmayn si wanaagsan oo ku dheyhan tahay alla ka cabsi balse waxaa ku jiray rag fara ku tiris ah oo gacan saar la leh ama u campain gareynayay ninka hada ku gulaystay inu noqdo gudoome balse dadka ayaa waxa ay is weydinayaan maxaa dhacay ?
Fashilka kowaad ee dorashadaan ku timid waxaa ugu weyn in laga soo buriyay oo losoo diiday in doorasho lagu qabto jamacada UIA oo ah halka ay ku kulmaan ardayda somaliyed ee waxkabarata dalka malaysia dorashooyinkii horana lagu qaban jiray , dadka qaar ayaa waxa ay is weydiyaan maxaa UIA loogu so diiday in lagu qabto doorashadaan , warar aynu si hoose ku helayno ayaa shegaya in ardayda somaliyed ee dhigata jamacada UIA ay go,aan ku garayn inay dhistaan urur iyaga u gooni ah islamarkaasina ay ka lug baxaan ururkan oo u muqda sanadkaan inuu fashil xogan ku imaan rabo waxaana sido kale wararku ay shegayaan in maamulka jamacada UIA iyaguna ay go,aan ku garayn in aan lagu qaban karin jamacada xaflado siyasadeed oo quseeya arimaha somalida .
Hadaba markay arintaas dhacday kadib ayaa waxaa lagu tashtay in la kireeyo hool weyn oo ku yaala xafad ay somalidu ku badan tahay oo lagu magacaabo “Idmaan” halkaas oo loo qorsheyay in lagu qabto dorashada ururka ardayda somaliyeed ee dalka malaysia balse markii ay dorashada bilaabatay kadib ayaa waxaa halmar indhaha lagu kala qaaday baabuur u muuqata kuwo rabshado wada islamarkaasina ay saranyihiin dhalin yaro tageersan suldaan ujeedkooda uu yahay inay fodeyaan dadka iyaga kasoo horjeeda waxa ayna soo buux dhafiyeen afaafka hore ee holka ay dorashada ka dhacaysay iyagoo ugu talagalay inay dhowla tus ku sameyaan dad weynihii goobta isugu yimid ee donayay inay codeyaan .
Waxay soo gurguurataba doorashadu waxaa la gaaray xiligii la tirinayay codadka waxaana mesha uu masuq maasuqa ka bilowday waxaana qolka tirintu ay ka socotay lagu arkayay dad aan shuqul ku lahayn arimaha quseya dorashada waxyaabaha fashilka kaynay waxaa kamida .
1- in boxes-ka lagu ridayay warqadaha codbixinta ay ahayd mid afka ka feedan islamarkaasina ay sahli karto in qofkasta oo codbixiyayaasha ka mida ah uu ku ridi karo warqad kana baxsan karo
2- in ilaalada warqadaha doorashada ay ahayeen kuwo aan war iska hayn islamarkaasina aan lagu kalsoonaan karin codeyntii mesha ka dhacday
3- in aruurinta warqada ka dib la sameyay bashaal iyo nasasho iyadoo dadweynahay lagu midadaalinaayo heesho islamarkaasina dadka qaar ay ka shakiyeeyn inay dhici karto isdaba marin xoogan
4- in dadkii howlka soo galay ay ka badnayeen 312 qofood waxaana lasoo bandhigay 270 cod . su,aashu waxay tahay halkay adeyn dadki hale..
5- in loo yeray dad aan shuqul ku lahayd maamulka doorashada islamarkaasina labada musharax mid walbana uu watay nin codka u tiriya , hadii ay musharaxiinta la imanayaan dad cododka u tiriya maxaa loo sameyay gudi doorasho
6- in ka hor ku dhawaaqida natiijada la ogaaday dhibcaha ay kala helayn labada musharax islamarkaasina musharaxiinta qudoodaba lo sii shegay dhibcaha nin walba uu keenay
7- ku dhawaaqida doorashada ayaa u dhacday sidan : waxaa codeeyay 272 ruux waxaa gulaystay c/laahi suldaan oo helay 212 balse ninka kale iska fahma waxa uu helay ama adinka qiyaasta taas oo u muuqatay ku xadgudub sharciga doorashada iyo u xaglin hal dhinac ah .
8- inta badan gudiga doorashada oo ahayeen rag u campaingareeynayay suldaan ama tageersanaa taas o niyad jab ku riday dadkii kaso qeybgalay dorashada
9- inta badan tageerayaasha suldaan oo u badnaa kuwo foodo iyo rabshado ka waday howlka ay ka socotay dorashada iyagoo isku bahaystay qeybaha dambe islamarkaasina qeyladooda laga joogi waayay gudaha howlka doorashada.
10- in mesha ay ka socotay baaq ama dhabar taabasho muujinaysa halka ay guusha jirto iyadoona howlka gudihiisa lagu arkayay suldaan oo gacan qadaya xabadkana galinaya nin kamida guda dorashada taas oo mujinayso inay tahay baaq ama dhabar taabasho ah anagaa guusha iska leh
11-in hoolka dorashada lagu arkay dad kusoo galay sharci daro markii ay codeyn kadib banaanka loo saray , away polic-kii amaanka ilaalinayay
12- in howlka gudihiisa lagu arkay askar uu lacag soo siiyay suldaan kuwaas oo qaab ardaynimo ah u waardiyaynayay dadka u codeynaya suldaan iyagoo ardayda ku qasbayay inay u codeyaan suldaan waxaana layn walba lagu arkayay hal qof oo indhaha ku haya dadka kale isagoo kala ogaanaya in suldaan ay u codeyeen iyo inkale .
13-in xiriiriyaha barnaamijka uu u janjeeray hal dhinac islamarkaasina uu buun buunin cad uu ku hayay ninka hada gulaystay islamarkaasina uu xaqiray ninka kale ee laga gulaystay waxaana arintaas ka xanaaqay dadkii codbixinayay oo u arkay in dorashadaan lagu soo heshiiyay
Hadaba qodobadaas iyo kuwo kale ayaa sabab u ahayn inuu gulaysto suldaan oo dadka intiisa badan ay u arkaan inuusan ku imaan rabitaan lacag balse uu ku gulaystay lacago loo qaraamay taasoo cadeynaysa hogaaminta ardayda malaysia ay sanadkaan noqotay yaa lacag haysto , fadlan naga filo waxyaabo badan oo adan ogayn insha alaah
Share






















