Dilal Qorshesan Oo Ka Dhacay Degmada Yaaqshiid:

Aqrisatay:518

Degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir waxaa xalay ka kala dhacay dilal kala duwan oo siyaabo kala duwan loogu geestay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyadoona dilalkaasi ay warar kala duwan kasoo baxayaan.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in dilalkaasi ay geesteen rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda KMG ka dib markiui ay isku dayeen inay dhac geesteeaan, iyadoona qof haweeneey ah dilay sidoo kale dad kale dhaawacay.
Sidoo kale isla rag ku labisan dareeska ciidanka ayaa waxay dileen qof kale oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeen hoyga uu deganaa oo ku yaala degmada Yaaqshiid, waxaana dilka ka dib halkaasi ka baxsaday dadkii falkaasi geestay.
Dhanka kale maamulka degmada Yaaqshiid ee dowladda KMG ah wax war ah kama aysan soo saarin dilkaan ka dhacay degmadooda, iyadoona saaka ay jiraan baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah.

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media