Dhoofinta Duxusha Kismaayo oo La Joojiyay ( Maxay Tahay Sababta)

Aqrisatay:387

Maamaulka KMG ah ee Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa diiday in la dhoofiyo Duxusha iyadoona arintaan ay ka soo baxayaan warar kala duwan

Dad kusugan magaalada Kismaayo ayaa Warbaahinta u sheegay in Magaalada ay tagayaan wafdi caalami ah oo kormeer ku sameyay dekada magaalada Kismaayo sidaa darteed la joojiyay dhoofinta dhuxusha, waxana Wafdigan la socda Xubno Ka mid ah QM oo dhawaan mamnuucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya,.

Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa dekada magaalada kuwaas oo sugaya amaanka, waxaana sidoo kale la dhaqay inta badan wasaqdii ay dhuxusha keentay, waxaa kale oo laga bixiyay dekada dhuxul haradi ku hayd oo an wali la qaadin si aan loogu arkin dekada.

Ugu Dambeyn Saraakiisha Kismaayo ayaa sheegay in ay wafdigas sidoo kale ukuur gali doonan arimaha mamul usamaynt Jubbooyinka oo meel dhamaad ah maraysa.

Email: Horyaalmedia@live.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media