DHAGEYSO Sida Ay Tahay Xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Yusuf Xasan
Aqrisatay:1143
Wararka Warbaahinta Horyaalmedia.com ay ka helayso xaalada caafimaad ee xildhibaanka Degmada kama kunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegaya in xildhibaanku uu ka jabay labada lugood sidoo kalana uu dhaawac ka soo gaary gacanta bidix.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa hadda xaaladiisa lagu dabiibayaa isbitaalka lagu magacaabo Aga-Khan ee ku yaal magaalada Nairobi
Maxamed Ismaaciil Shiino oo ah ninka u qaabilsan arrimaha Xaafada islii Yusuf Xasan ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxii Caawa ay ku dhinteen labo Caruur ah oo ku sugnaa banaanka Masjidka Al-Hidaaye, waxana ku dhaawacmay dad ku dhaw 10 ruux.
Ugu Danbeyn Xaalada Xildhibaanka ayaa hada ah mid soo hagaagayso iyadoona saacadaha soo socda la filayo in xildhibaanka uu lahadlo Warbaahinta Dalka.
W/Q: Cabdi Shakuur farax Cigale( Washiton)
Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com
Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com






















