DHAGEYSO: Sh. Maxamuud Ow-C/lle Cariif ” Qofkii Weyneeya Sanadka Miilaadiga Wuxuu lamid yahay Gaalada
Aqrisatay:2901
Iyadoo caawa munaasabado kala duwan oo lagu weyneenaayo munaasabadda sanadka cusub 2013 ayaa sheikh maxamuud Ow Cabdule Cariif oo kamid ah culimada Somaliyeed ayaa ka digay in la weyneenyo munaasabadda sanadka miilaadiga oo caawa ay ku beegan tahay.
SHeekh Maxamuud ayaa sheegay in Miiladiga ay wali tahay mid muujinayso gumaysiga Gaalada ay ku haayan Islaamka isagoo sheegay in dad badan oo Muslimiin ah ay ku qaataan mushaaraadkoda bisha Miilaadiga isla markaasna ay lamid tahay in Gaalada dadkaan ay siiyaan mushaarka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Nabigeena Muxamad NNKH inuu yiri Haddii Nabi Muuse CS iyo Nabi Ciise CS haddii ay I soo gaari lahaayeen ay aniga I raaci lahaayen Hadaba iyadoo nabiga Muxamed uu sidaas leeyahay sidee ku raacaynaa Gaalada ayuu intaa raaciyay Sheekh Maxamuud OW-Cabdule Cariif.
Si kastaba Hadalka SHeekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya iyadoo qeybo badan oo dalka somalia ah laga xusaaayo oo laga weyneenaayo sanadka cusub 2013 oo caawa ku beegan.
Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com
Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com
Share






















asc walalayal sheekheyga ilahey kheyr badan adun iyo akhiro alaha nosiiyo ilaaheyna cimri dherna alaha nosiyo sh.mxmud ilahey janatul firdowsa alaha nagu kulmiro wlhi wan jeclhy shiqeyga cilmigisana wan kunafacaday ilahey amalkisa alaha siyo amin amin