Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO: Horjoogaha Ugu Sareeya Kooxda Shabaab oo Fariin Soo Diray

Aqrisatay:1951

Q-2 aad Guga Kacdoonada Carabta
Kacdoonada Shucuubta Muslimiinta ah waxay meesha ka saareen ku amar taaglayntii & Gacan-kuhayntii ay Saliibiyiinta Caalamiga ah Gacanta ku hayeen Caalamka Islaamka.

Kacdoonadaas waxaa ugu mhiimsan midka reer Shaam ee looga soo horjeedo Kaligiis taliyaha Nusayriga ah, waxayna hordhac u tahay in meesha laga saaro Xukunka Baadiniyada ee dusha ka saran dadkeena reer shaam.
Sanadkan wuxuu yimid iyadoo ay sii farabateen Jabhaatka Mujaahidiinta, iyo furumaha la isku horfadhiyo, Mujaahidintuna ay hooy iyo harsiimaba u diideen Saliibiyiinta.

Jaziirada Carabta waxaa kasoo baxay “Ansaaru Shariica” kuwaas u tusaale u noqday Ummada Islaamka, muujiyayna heerka ay Gaarsiisantahay Cadaalada Islaamka, waxayna dhab ahaan u mutaysteen inay yihiin dad Imaan iyo Xikmad u saaxiib ah.

Q.3-aad Qaaradda Afrika

Mqrib Al-Islaam, Halyeeyada Islaamka ee uu hogaamiyo Amiirkooda Geesiga ah ee Abu Muscab Cabdil Waduud, waxay wacdaro ka dhigayaan fidinta Jihaadka, Oogista Shereecada Islaamka iyo ka hortaga Danaha ay Saliibiyiintu ka leeyihiin Qaarada Afrika.

Qaarada Afrika waxay ahayd Saldhig Islaamku leeyahay, hadana waxaa la gaaray xilligii dib loogu soo celin lahaa sidii ay ahaan jirtay. In laga hor istaago Saliibiyiinta inay boobaan khayraadka Qaaradan Qaniga ah waxay ka mid tahay ahdaafta ugu Muhiimsan Marxaladan lagu jiro si loo sii murjiyo dhaqaalaha sii hoobayanaya ee Saliibiyiinta iyo Sahyuuniyiinta.

Sanadkan wuxuu yimid iyadoo Xamlada Saliibigu ay kusoo duushay Wilaayaat-ka Islaamiga ah ee Soomaaliya, Cadawga Saliibiga ahna uu isku keensaday awoodihiisii ciidan, dhaqaale, Siyaasi iyo Iclaami si ay u damiyaan nuurka Shareecada Islaamka.

Sidaas oo ay tahayna Mujaahidiinta Soomaaliya oo ay la safanyihiin qaar ka mid ah Culumada Rabaaniyiinta ah iyo Qabaa’ilka Soomaaliyeed ee halyeeyada ah way u dhabar adaygeen iyagoo ku kalsoon Balanqaadka Allaah ee Guusha.

Waxaan u Xaqiijinaynaa Ummada Islaamka ah iyo Hogaamiyeyaasheeda Mujaahidiinta ah ee ay ugu horeeyaan Al-Mulla Maxammad Cumar & Sheikh Ayman Adawahiri arimahan dhowrka ah:

1: In Duulaanka cadawga si kasta oo uu xooganyahay waxaa u dambeeya waa Fashil, sababto ah xilligii dhulalka la qabsanayay Mujaahidiintana laga taqalusayay wuxuu dhamaaday isagoo aan soo laabasho lahayn.
2:Calooshood u shaqaystayaasha Afrikaanka ah waxay la kulmayaan Caqabado waaweyn oo dhowr ah sida tiradooda oo yar, taas oo aan u suurtagelinaynin inay dhulka oo dhan gacanta ku wada dhigaan,

3: Maleeshiyada Riddada ah ee taageereysan oo aad u daciif ah taas oo keentay in Afrikaantu ay safka hore soo galaan si dhiigbaxoda uu usii kordho.

4: Afrikaantu waxay ku suganyihiin Go’doon dhanka Bulshada ah, iyadoo Shacabka Muslimka ah aysan Afrikaanta ka arkin wax aan ka ahayn dil iyo barakicin.

5: Maamulladii Islaamiga ahaa sidoodii ayay u dhisanyihiin, welina waxaa gacabtooda ku jira inta badan dhulkii ay ka talinayeen, iaydoo Tawxiidka faafinaya, Amaanka sugaysa, Zakawaatka qaybinaysa, shacabka Muslimka ahna uu weli taageero u hayo.

6: Awoodii Mujaahidiinta oo weli sideedii u dhisan una xoogan, iyagoo Cadawga u diiday inay ku nastaan goobihii ay qabsadeen, Kamaa’in iyo weeraro toos ahna la beegsanaya Difaacyada Cadawga.
Q.4-aad dhacdooyinka sanadka Cusub Ee 1434

Sanadki Lasoo dhaafay waxaa Ummada Muslimiinta soo maray dhacdooyin waawayn oo ay ka mid yihiin:
1:Aflagaadeynta soo laalaabatay ee Saliibiyiintu ay u gaysanayaan Nabi Maxamad Salallaahu Calayhi wasalam, waxay Calaamad u tahay in dabar go’oodu uu soo dhawaaday, waxayna soo dedejinaysaa Carada uu Allaah u qabo Gaaladaas.

Bi’idnillaah Aflagaadadaas soo laalaabatay ma noqon doonto mid si fudud iskaga gudubta iyadoo aysan Muslimiintu Jawaab kulul ka bixinin.

2: Xasuuqa ay Buudiyiintu u geysanayaan Muslimiinra Rohinga ee Borma iyadoo uu Caalamku daawanayo, mana jirto Ciidamo Qaramada Midoobay ah ama reer Galbeedka sheegta inuu Xuquuqda aadanaha dhowro oo u gurmanaya si ay dadkaas birimagaydada ah u badbaadiyaan.

Sababtuna waxay tahay in halkaas aysan jirin Batrool ay boobaan ama Xarako Jihaadi ah oo ay la dagaalamaan.

Mana jirto wax talaaba ah oo ay qaadeen Xukuumadaha dabadhilifyada ah ee ka jira Caalamka Islaamka, sababtoo ah Asyaadooda gaalada ah ayaanan wax ihtimaam ah siinin dhibatada shacabkaas Muslimka ah.
Waxaa waajib ku ah ummada Muslimka ah inay u istaagto sidii ay walaalahooda Muslimiinta ah uga badbaadin lahaayeen dilka iyo barakicinta lagu hayo, iyagoo ka duulaya walaaltinimada Islaamnidaha ah ee kala dhaxaysa.

3: Ishrish-haadka Hogaamiyayaasha Jihaadka iyo Culumada ummada Sida Sh. Cadiyatullaah Alliiibi, Sh.Anwar AlCawlaqi, Sh.Abu Yaxya Alliibi, Sh.Abu Waliid Almaqdisi..kuwaas oo tusaale u ahaa Culumada Rabaaniyiinta ah, kuwaas oo kalimaadkoodu ay noqon doonaan Nuur Wadada u ifiya dadka Muslimiinta ah ee ka dambeeya iyo Naar gubaysa Daalimiinta.

Waxaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah: U istaaga sidii aad Diintiina iyo Dalkiina uga difaaci lahaydeen Saliibiyiinta, hana ku dagminina ballanqaadyada beenta ah ee ay Gaalada reer galbeedka iyo dabadhilifyadoodu idiin sameynayaan, waxaanad ogaataan in Cizigiina iyo Sharafkiinu uu ku xiranyahay hadba sida aad ugu dhegtaan Diinta Allaah iyo Xukunka Shareecada Islamka, Mana kala kulmaysaan Gaalada wax aan ka ahayn Dhagar iyo Khiyaano iyo Boobka khayraadka wadankiina, waad la socotaan inay dalkeena u kala jareen shan qaybood oo ay qaybsadeen Saliibiyiintu , Ma ahan in mar walba ay na dhagraan.

Q.6-aad Baaqa muslimiinta Bariga afrika.

Waxaan Dhambaal u jeedinayaa shucuubta Muslimiinta ah e ku dhaqan Bariga Afrika, gaar ahaan Kenya iyo Ethopia, waxaa la gaaray xilligii aad heeryada dullinimada iska rogi lahaydeen, Karaamadiinii aad soo ceshan lahaydeen, dadkiinana aad dulliga ka qaadi lahaydeen , waxaa la joogaa xilligii Kacdoonka, Jihaadka iyo Istish-haadka.

Waxaan bogaadineynaa Kacdoonka ay Muslimiinta Ethiopia ay kala horyimaadeen kuwa Baadiniyada ah ee gacan-kurimiska ah, Geerida Kaligiis taliyihii Malez Zenawina waxay idiin tahay fursad dahabi ah si aad uga xorowdaan gimaysiga Saliibiyiinta.

Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay Kacdoonta Muslimiinta Xeebaha Kenya deggan ay ku doonayaan sidii ay Xoriyadooda uga qaadan lahaayeen Kenyada Saliibiyada ah, Waxaanan leenahay ha ahaado Calankiinu Islaamka, isaga ayaa ah damaanada Cizadiina iyo Midnimada Safkiina.

Gabagabdii waxaan Muslimiinta Isbadal doonka ah kula talinayaa inaysan ku qancin wax a ahayn Kitaabka Allaah, waxa walba oo aan arintaas ahayna ay iska diidaan, sidaas ayaa Wadada toosan ah, wixii kasoo harayna waa Wadooyin qaloocan, oo aanan marnaba meel wanaagsan lagu gaaraynin.

Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com

Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com

Share
  • One Response to DHAGEYSO: Horjoogaha Ugu Sareeya Kooxda Shabaab oo Fariin Soo Diray

    1. Cabdullahi nuur says:

      Shabakaada horyaal waxan ka codsan lahaa in ay xooga saaran dhan arimaha jaceylka

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media