DHAGEYSO Gabar Yar oo Si Xun Loogu Dilay Degmada Deyniile
Aqrisatay:602
Kooxo dhagar qabayaal ah ayaa si bini’adanimada kabaxsan u dilay Haweenay ku sugneed Degamada Deyniile ee Gobolka Banaandir.
Hawenaydaan la dilay ayaa la sheegay inay ka mida aheed Haweenka qudaarta ku iibiyay Degmada Deyniile, waxana la xaqiijiyay in haweynaydaan qoorta looga jaray Minti.
Gudoomiyaha Degmada Deyniile ayaa warbaahinta u sheegay inaysan garanaynin Sababta loo dilay Haweynaydaan isagoona shaaciyay inaysan la shaqeyn jirin Maamulka Degmada Deyniile.
Ugu Danbeyn waxa baryaah soo badanayay Dilal loo geysto Haweenka ku sugan Magaalada Muqdisho iyadoona Dowlada haatan jirta aysan waxba ka qaban tacadiyada lagu hayo Haweenka.
Share





















