DHAGEYSO: Faroole oo Shaaca Ka Qaaday Xiliga uu Ku Egyahay Waqtigiisa

Aqrisatay:1061

Faroole1Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamamed Maxamuud Faroole ayaa Shaaca ka qaaday in sanadka u haray maamulkiisa uu sharci yahay islamarkaana wax muran ah aan la galin Karin.

Hadalkaan ayuu Faroole ka sheegay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari xili uu dadweynaha magaalada la hadlayay.

Faroole ayaa Mucaaradka Puntland ku sheegay kuwo aan dalka lagu aamini Karin oo banaankaas uun in ay ka qeyliyaan ku fiican.

C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay in Muddo 5 sano ah Madaxtinimada loogu doortay Balse dadka kasoo horjeeda Siyaasadiisa ayaa sheegay in 4 Sano loo doortay sanadkaan Shanaadna uu iskiis ugu darsaday.

Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com

Nairobi-Kenya

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media