DHAGEYSO : Barnaamij gaar ah oo laga diyaariyay xasuuqii 03 Dec, 2009-kii Ka Dhacay Hotel Shamow!
Aqrisatay:745
Maanta oo kale, 03 Dec, 2009-kii Maalin Murugo Badan, waxaa hotel Shamow oo ku yaalla magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo lagu dilay arday, dhaqaatiir iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaas aysan jirid cid sheegatay.
Qaraxaas, oo uu fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimid dalk Denmark oo xiriir la leh kooxaha hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30-qof oo ay ku jiraan4 wasiir oo ka tirsan xukuumaddii KMG ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke.
Wasiiradii ku dhintay qaraxaasi:-
1-Wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen
2-Wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow
3-Wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali
4-Wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble
Dhaqaatiirtii Ku Dhimatay Qaraxaasi
1-Madaxii Hormuudkii Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid)
2-Kudhwaad tobaneeye Dhaqaatiir cusub
Wariyaashii Ku Dhintay Qaraxaasi
1-Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle
2-Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii telefishinka Al-Carabiya
Email: Horyaalmedia@live.com
Share





















