Sunday, April 20th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhafarka Badan oo la ogaaday inuu Baabi’iyo Xusuusta

Aqrisatay:5173

In aadan hurdin saacado badan ayaa waxa tahay mid caadi ka ah bulshooyinka aduunka, laakis sidaa ma aha, adoo hurdo u baahan hurdo oo  aad dhafarto labo saacadood ayaa waxa ay saameyn wayn ku yeelan kartaa awooda xusuus ee maskaxdaada.

Sida aya ku waramaysa jariirada Daily Mail ee ka soo baxday dalka Ingiriiskam, Saynisyahao u dhashay wadanka Mareykanka ayaa ka digay dhafarka mudo labo saacadood ah in uu maskaxdaada ka hor istaagaa in geydiso wax kasta oo la xeriiro xusuusta.

Baaritaan ay sameeyeen saynisyahanadaasi ayaa lagu sheegay in labo saacadood aad ka dhinto saacada hurdo oo sideed saacadood ah ay keeni dhibaato kuugu keeni karto.

Ted Abel oo ah bare saynisyahan ah iyo koox saynisyahano ah oo ka trisan Jaamacada theUniversityofPennsylvaniaayaa waxa ay sheegeen waqtiga casigaan la joogo inaysan dadka agtooda waxba ka aheyn in la dhafro.

Saynisyahana ayaa ku nux nuxsaday: Saacado kamid ah oo aad dhafarto hal habeen waxay keeneysaa in aad wayso xusuus muhiim ah taasoo aysan makaxda awoodi doonin in ay soo celiso xitaa hadii aad saacado badan jiifato habeenka xiga.

Xigasho:Somaliwitnes

Email: Horyaalmedia.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media