Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Danjire Cali Americo oo Codsi u Diray Dowlada Kenya

Aqrisatay:1931

Cali Ameerico12Waxii ka dambeeyay markii dhalinyarada Soomaaliyeed ee kusoo laabtay dalka Soomaaliya ay sii kordheen ayaa waxaa safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Kenya uu codsi u jeediyay dowlada Kenya.

 

Maxamed Cali Americo,safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu booqday kooxo burcad Soomaali ah oo ku xeran dalkaasi kenya kuwaasi oo uu sheegay inay ku xukuman sanado badan.

 

Americo ayaa sheegay in kooxa burcad badeeda Soomaaliya ee ku xeran dalkaasi kenya ay caafimaad daro ah ku heysato halkaasi ,isagoo sheegay in sidoo kale aysan helin waxyaabaha ay u baahan yihiin.

 

Wuxuu ugu baaqay dowlada dalka Kenya inay kooxahaasi burcad badeeda Soomaalida ah sii daayaan si ay wax walbaa ay uga helaan dalka Soomaaliya.

 

Isagoo ugu dambeyn sheegay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida lagu maxkamadeyn doono dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media