Danjire Cali Ameeriko ” Waxan si Rasmi ah ula Wareegnay Dhulka Safaaradii hore ee Soomaaliya Ku Laheed Nairobi
Aqrisatay:801
Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo ah Danjiraha Dowlada soomaaliya u fadhiya dalka kenya ayaa Saxaafda u Sheegay in Dowlada Kenya ay ku wareejisay dhulkii ay laheed Safaaradii Hore ee Dowlada Soomaaliya.
Sidoo Kale Cali Ameeriko ayaa xaqiijiyay in Dowlada kenya ay si rasmi ah ugu wareejisay dukumintigii cadeedaynay in soomaali ah ay leedahay dhulka safaaridii hore ee soomaliya oo ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.
” Hada Waxan si rasmi ah ula wareegnay dhulka Safaaradii Hore ee Soomaaliya ,waxan rabnaa in aan u wareegno mardhow dhulka safaarada”
Safiirka Soomaliya u fadhiya Kenya ayaa amaan balaaran us oo jeediyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Cid walbo oo ka qeyb qaadatay isku daygii lagu soo celiyaya Safaaradii hore ee Soomaaliya.
Share






















