Wednesday, April 16th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO Somaali Qaxooti Ku ah Dalka Holland oo Banaanka La Dhigay

Aqrisatay:94441

Somali magangaliyo doon ah oo ku sugna Xeryaha qaxootiga Wadanka Holland ayaa bananka la soo dhigay ka dib marki wasaarada cadaalada Wadanka Holland ay so xirtay Falasha dad badan oo Magangaliyo doon ah.

Dadkaan dhibaatada ugu weyn ee haysta waa ayago anan haysan qalab ay iskuga difaacan qabowga xad dhaafka ah ee ka dhacaya Wadanka Holland,

Dadkaan loma ogola in ay shaqaystaan Dowladana ma siiso wax lacag ah oo ay ku nooladan waxyabaha aadka loga xumaado ee dadkaan ku dhacaya ayaa waxaa ka mid ah ayago laga burburiyay tendhoyin ay ka dhisteen Bariga Magaalada Amsterdam isla markana Habsiga lagu wada guray inkasto 5 sac ka dib la soo daayay.

 

Dadkaan uma gudbi karaan Wadamada Kale ee Yurup sababto ah waxaa markiba laga helaya faraha Wadanka Holland waxaana sida shariga ah dib logu soo celinaya Wadanka Holland.

Arinta kale ee la yabka leh ayaa ah Barlamanka Wadanka Holland oo usbuci lasoo dhafay u fadhistay labo moshiin oo kala ah in Xayawaanada dibad joog ah la geeyo meel ay ku nooladan inta qabowgu dhamanayo iyo In Qoxootiga Somalida ah ee Bananka yaala lagu celiyo Kamamka Qaxootiga ee horay loga soo saray Madaama u dhacayo Qabow daran.

Barlamanka Holland ayaa waxaa uu ansixiyay in Xayawaanada dibad jogta ah laga soo xareeyo Qabowga iyo Barafka dhacaya halka uu diidmo ugu codeeyay in Somalida Bananka Taala lagu celiyo xeryihii horay loga soo saray.

Arinkaan ayaa waxaa uu noqday hadal haynta ugu weyn wadanka Holland usbuci anu soo dhafnay waxaana caro ka mujityay Go,anka barlamanka Muslimiinta ku nool Wadanka Holland oo u badan Marocan iyo Turki.

Somalidu waxaay tirahda Meel hoo u bahan hadal wax kama taro hadi aad tahay qof somali ah amaba Muslim ah kana damqanaya dayaca haysta dadkaan Somalida ah waxaad ugu soo hagaajin karta wixi awoodada ah .

Xawaaladaha Somalida adigo ku soo qoraya

Horn Cable Tv Holland
tel: 31684020868

Lacagahaas waxaa dadkaan garsiinaya Tv ga Calamiga ah ee Horn Cable tv waxana uu ka soo duubi doona Film cadaynayaa lacag walba iyo qofka soo diray iyo sida lo gudonsiyay dadka ku dhibaataysan Amsterdam Holland.

Horn Cable Tv Holland
tel: 31684020868

Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com

Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media