Thursday, April 17th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO: Sheekh Xasan Xusseen Aadan “Nin Walba oo isku Daya inuu Soomaali Kala Qeybiyo Waa in Meesha uu Taagan Yahay Lagu Dilo

Aqrisatay:4941

Muxaadaro uu jeediyey wadaad weyn oo caan ah oo Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay dhalisay muran weyn iyo is qab qabsi ka dib markii uu wadaadkaas uu sheegay in meeshiisa lagu dilo qof kasta oo dadaal ugu jira kana qeyb qaata in dalka Soomaaliya uu noqdo dal fedaraal ah oo u qeybsan dowlad goboleedyo isu tagay.
HALKAAN KA DAAWO MUXAADARADA SHIIKHA

Wadaadkaan oo lagu magacaabo Sheekh Xasan Xusseen Aadan oo ka mid ah wadaada ugu waaweyn ee Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu dhawaantaan sheegay xili uu jeedinaayey muxaadaro in dadka Soomaaliyeed ee u ololeynaayo in dalka Soomaaliya laga sameeyo maamulo kala duwan meesha ay joogaan lagu dilo asagoona sheegay inay xaq tahay dadkaas in la dilo, Sheekha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay tahay in la soo dumiyo oo la soo baabi’iyo maamuladii Soomaaliyeed ee horey u jirey sida Puntland iyo Somaliland asagoona dhamaan maamuladaas iyo kala qeybintaas dusha uga tuurey inay yihiin waxay ka dambeeyaan dadka gaalada ah oo aysana ahayn fikrad Soomaaliyeed. Nin Walba oo isku daya inuu ummadaas Soomaali kala qeybiyo waa in meesha uu taagan yahay lagu Dilo!, Nimanka Baydhabo ku shiraya, kuwa halkan ku shiraya, kuwa Nairobi wareerinaya, Hadii la gaadi karo waa oo in la Dooxo, sidii umul loo ummula dooxo, hawshaas waa inaad ku talo gashaan, waa wax aad garateen sow maaha ayuu yiri wadaadkaas oo la hadlaayey dadkii dhageysanaayey.

Ugu dambeyntiina iyadoo hadalada wadaadkaasi ay yihiin kuwo abuuray muran iyo is qab qabsi u dhexeeya dadka Soomaaliyeed islamarkaana ay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaameen hadalada wadaaadkaasi inay yihiin kuwo qatar weyn galin kara nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo madax iyo hogaamiyayaal ah islamarkaana dhiirigalineyso inay dad wax ma garato ah ay ku dhaqaaqaan falal ay ku waxyeeleynayaan oo ayna ku beegsanayaan qaar ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ayaa waxaa kale oo uu wadaadkaan ku amaanay hadalkiisa wadaadada oo uu sheegay inay yihiiin kuwo u taagan mar kasta oo naftoodana u hura midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Share
  • One Response to DAAWO: Sheekh Xasan Xusseen Aadan “Nin Walba oo isku Daya inuu Soomaali Kala Qeybiyo Waa in Meesha uu Taagan Yahay Lagu Dilo

    1. qadra m ali says:

      jclka ma wx jira

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media