DAAWO +safiirka soomalaida turkiga oo markab alaabo muhiim ah u direy soomaaliya
Aqrisatay:766
Xaflad sagoontin ah oo loo sameeyay Markab siday shixnad isugu jirta cunno iyo Alaabo kala duwan oo ay qeyb galeen madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo uu hogaaminyay Danjire Mohamed Mursal Sheikh ayaa waxaa ay ka dhacday Magaalada Mersin ee dalka Turkiga.Xafaldani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Heyadda Bisha Cas iyo maamulka Mersin ee Dalka Turkiga deeqdani oo ka kooban Makiinado iyo Gawaari tiradooda gaareyso ilaa 72 oo isugu jira Makiinadaha lagu sameeyo wadooyinka, Baabuurta qaada qashinka, Makiinada wax lagu qodo, ayadoo sidoo kale gawaarida saran markabkani isugu jiraan gawaarida iska roga ah, booyado, kuwa shamiintada qasa iyo kuwa wadooyinka lagu nadiifiyo, waxaa shixnadda saaran markabkani ka mid ahaa raashin isugu jira Bur iyo Sokor oo midkiiba gaaraya ilaa iyo 2000 oo Tan.
Deeqdani ka timid dalka Turkiga oo ka kooban agabyada ka duwan ee loogu tala galay in lagu dhiso magaaloyinka waa weyn ee dalka ayaa waxaa maamulka Gobolka Banadir ugu deeqay Maamulka Magaalada Istanbul ayadoo loogu tala galay horumarinta caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdishu,
Sidoo kale Raashinka deeqda ah ee saaran Markabka ayaa waxaa loogu tala galay in la gaarsiiyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo si loola tacaalo dhibaatooyinka bini aadannimo ee ka jirta qeybo ka tirsan Dalka.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Mr. Mohamed Mursal oo uu Wehiyo Xoghaya Koowaad ee safaaradda Aabduqaadir Maxamed Nur ayaa qubdad uu ka jeediyay xafladani lagu qabtay magaalada Mersin ayaa waxaa ka dhawaajiyay in Deeqdani ay wax weyn ka tari doonto horumarinta caasimadda Dalka Soomaaiya ayadoo sidoo kale gacan sare ka geysan doonto rajo soo celinta umadda Soomaaliyeed iyo ka samata bixinta dhibaatooyinka bini aadannimo ee ka jirta qeybo ka tirsan Dalka.
Waxaana uu sidoo kale mahad gaar ah u jeediyay Hay’adda Bisha Cas Maamulka Gobalka Mersin TIKAiyo Maamulka Istanbul ee Turkiga oo deeqdani soo ururiyay suurta geliyayna in la gaarsiiyo walaalahood Soomaaliyeed.
Gudiga Afdhaarka Kala Xiriir Lambaradaan Si Aad Wax Ugu Hormarsatid Aakhiradaada
1-Nuur dheere GudoomiyeTell: +25261-5593718
2-Eney fadhi yareTell: +25261-5105237
3- Mad Sariif EdinTell: +25161-5593110
4-cabduqaadir xasan gedow
5-Bashiir XabashowTell: +25261-5590121
Acoun-kaGudiga Afurinta kala aad wax ugu diri kartid waa Xawaalada BAKAAL
0016bay bakaal.
Ama Emailka ah:- ilbiyow@live.com






















