Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO Gabar yar oo Dacwad Ku Soo oogtey Waalidkeed Maxkamadna La Fuushay iyo Maxkamadda oo Xakuntay Waalidkii

Aqrisatay:3461

Gabar u dhalatey dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dacwad ku soo oogtey waalidkeed oo ayna la kortey maxkamad iyadoo ku dacweyneyso inay amaan galiyaan oo aysan ku mashquulin nolosheeda taas oo ay maxkamaduna ku xukuntey waalidkaas inaan lagu arki karin agagaarka gabadhooda islamarkaana aysan mudo ka badan hal sano wax xiriir ah aysan la sameyn karin gabadhaas ay dhaleen.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Aubrey Ireland oo 21 sano jir ah oo ah ardayad jaamacadeed oo barata muusikada iyo jilida ruwaayadaha kuna nool magaalada Cincinnati ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay waalidkeed ay ku soo oogtey dacwad ka dhan ah oo ayna ku eedeyneyso inay qaati ka taagan tahay waalidkeed oo ayna ku hayaan kontrool joogto ah, iyadoona ay arintaas ku raacday maxkamadii qaaday xukunkaas oo ayna ku xukuntey waalidkaas inaysan ka soo ag dhawaan karin gabadhaas wax ka yar 150 mitir islamarkaana ilaa iyo dhamaadka sanadka soo socdo aysan wax xiriir ah la yeelan karin gabadhooda,

Gabadhaan oo ku doodeysa inay tahay qof weyn laakiin ay waalidkeed ula dhaqmaan wali sidii qof caruur ah ayaa sheegtey inay waalidkeed ay ka dhigteen shaqo oo ay mar walba ku soo booqdaan jaamacada islamarkaana ay fiiriyaan waxay ku mashquulsan tahay, is faham la’aanta gabadhaan iyo waalidkeed oo mudo soo jiitamaayey ayaa waxaa uu gaarey heerkii ugu xumaa

ka dib markey gabadhaas ay ka codsatey maamulka jaamacada inaan loo ogolaan waalidkeed inay soo booqdaan taa oo ay maamulkana ay sameeyeen ilaalo gooni ah oo ka ilaalisa inay waalidku soo galaan jaamacada. Sidoo kale waalidiinta gabadhaas ayaa ayaguna ku eedeeyey gabadhooda inay tahay qof maskaxiyan jiran oo ku mashquulsan daroogo iyo inay habeen walba ay nin cusub la seexato.

Ugu dambeyntiina iyadoo ay maxkamadu ay go’aankaas adag ku riday waalidiintii dhalay gabadhaas ayaa iyagoo ka careysay waalidkaas arintaas waxay codsadeen inay gabadhoodu ay u soo celiso lacag dhan 66,000 oo doolar oo ay horey uga bixiyeen waxbarashadeeda laakiin waxaa arintaas gaashaanka ku dhufatey maxkamada,

sidoo kale ayaa waxaa gabadhaas si ay u dhameysato waxbarashadeeda siiyey deeq waxbarasho jaamacada ay wax ka baraneysay, waalidiinta dhalay gabadhaan oo lagu magacaabo David Ireland iyo Julie Ireland oo islamarkaana ay gabadhaan tahay ilmaha kaliya ee ay dhaleen ayaa ku calaacalay inuu ujeedkoodu uu ahaa oo kaliya inay gabadhoodu noqoto mid yeelato mustaqbal wanaagsan .

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media