C/wali Gaas Oo Isku Soo Tagay Xilka Madaxtinimda Dalka Somaliya
Aqrisatay:769
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay Musharaxnimada Xilka Madaxtinimo Dalka Soomaaliya.
Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeybgalay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano. Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Haweenka, Saraakiil, Dhalinyaro, Suxufiyiin, Fanaaniin iyo dadweyne kale oo aad u fara badan. Waxaana goobta xafladda lagu soo bandhigay Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaran.
Waxaan Goobta ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwaa oo sheegay in Dr Cabdiweli iyo Xukuumadiisa Badbaado Qaran ay wax badani ka badeleen Xaalada Soomaaliya islamarkaana Rajo ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay la yimaadeen Waxqabad muuqda oo Umadda Waxtar u leh.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Siyaasiyiin kuwaa oo tilmaamay in Dr. Cabdiweli iyo xubnaha xukuumadiisa Badbaado Qaran ay noqotay xukuumada kaliya oo soo marta Soomaaliya intii ay bur-burka ku jirtay oo u wada shaqaysa si wada jir ah taas oo sabab u noqotay in ay wax wanaagsan ay qabato xukuumad badabaado qaran.
Xafladda Musharaxnimo ee Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli ayaa maanta waxaa si toosh ah looga daawanayay Caalamka oo idil iyadoona Xafladu ay aheyd mid si heer saro ah loo soo agaasimay, Waxaana Xaflaadu lagu soo bandhigay Heeso ka turjumeyso Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaranka.
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka
horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com






















