CUDUR CUSUB OO LAGU MAGACAABO EBOLA OO KA DILAACAY GALBEEDKA UGANDA

Aqrisatay:817

cudurka ebola waxaa uu uu sadax maalin kahor kabilowday  galbeedka dalka uganda wana mesha sanad kasta uu cudur kaan ka dilaaco

Caasimadda Uganda waxaa cisbitaal la dhigay dad kale oo uu ku dhacey cudurka Ebola.

Cudurkani waxaa dhaliyo virus khatar ah ee la is-qaadsiyo ee si deg deg ah loogu dhinto. Waxaa la sheegayaa in boqolkiiba 90 dadka uu ka dhaco ay u dhintaan.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musevani ayaa dadka uga digay halista cudurka oo wuxuu uuna ugu baaqey in la hakiyo is-gacan-qaadka.

Cudurkan dhowr jeer oo hore ayuu ka dilaacay dalka Uganda.

Wadamada deriska la ah Uganda sida Kenya iyo koofurta sudan , ayaa haatan ka wal-walsan in cudurkaasi uu soo gudbo.

Waxaa la qaadey talaabo loogu hortagaayo in cudurkaasi uu soo gaaro Nairobi oo ay jiraan safaro joogta ah oo Uganda ka yimaado.iyo waliba kuwa u gudba dhanka xaduudka nimla ee sudan

Ilaa haatan, 14 ruux ayaa dalka Uganda ugu dhintey cudurkaasi tan iyo markii uu ka bilawdey galbeedka dalkaasi.

Haatan waxaa lagu soo waramayaa in cudurka uu soo gaarey magaalada caasimada ee Kampala.

 

 

XAFIIISKA SOUTH SUDAN

HORYAALMEDIA.COM

ISHA WARARKA XAQIIQDA AH

 

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media