Cris Smalling Oo Dhaawac Cusub Soo Gaaray.

Aqrisatay:1076

Manchester United ayaa dhabar jab weyn uu soo gaaray intii ay isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub ka dib markii Cris Smalling la sheegay inuu ilaa 10 isbuuc ka maqnaan doonaan garoomada jab cusub oo ka soo gaaray cagta.

Smalling ayaa tababar ku qaadanayay xaqunta tababarka United Carrington HQ ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac bowdada ah oo u diiday inuu ka qeyb qaato Euro 2012.

Si kastaba, haatan ayaa la xaqiijiyay in 22 jirkaan uu soo gaaray dhaawac cusub kale.

Tababaraha United Sir Alex Ferguson ayaa u sheegay MUTV: “Waxa uu dhaawac soo gaaray arbacadii, waxaana islamarkiiba u dirnay qaliin, sidaasi darted garoomada waa uu ka maqnaanayaa”.

 

“Waa adag tahay in la sheego waqtiga uu ka soo kabsan karo jab ka gaaray lafaha cagta, lakiin waxa ay noqon kartaa 10 isbuuc”.

“Wax nasiib ah ma lahan, lakiin waa uu da’ yar yahay, waana ku saxsaneyn inaan si dhaqso ah qaliin ugu sameyno”.


Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media