Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

CPJ oo warqad ay ku codsaneyso sii deynta Wariye Cabdi Casiis Koronto u dirtay Madaxweyanaha

Aqrisatay:2981

CPJGudiga difaaca Saxafiyiinta caalamka ee CPJ oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in waraaq furan oo lagu codsanayo siideynta Wariye C/Casiis C/Nuur Ibraahim Koronta ay u direen M/Weynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud.
CPJ waxa ay shaacisay in Boliska Soomaaliya uu mudo u xirnaa Wariyahaasi oo wareysaty haweeneey la kufsaday islamarkaana  loo gudbiyay xabsiga dhexe taasina ay tahay wax xad gudub ku ah Shuruucda Saxaafada sidaasi darteedna dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si dag dag ah ku sii deyso.
“Tani waxa ay noqoneysaa dhiirigalin inay ka qaadaan Saxafiyiinta,sidookale sharci daro ayaan ku sifeyn karnaa xariga Wariye C/Casiis Koronto “ sidaas ayaa ku qoran waraaqda furan ee CPJ ay u dirtay M/Weynaha Soomaaliya.
Hadalka kasoo baxay gudiga difaaca saxafiyiinta aduunka ee Committee to Protect Journalists (CPJ) oo ku saabsan inay waraaq furan u direen M/Weyne Xasan Sheekh Maxamuud taas oo looga dalbanayo in dowladiisa ay siideyso

Wariye C/Casiis C/Nuur Ibraahim Koronto oo ka shaqeynayay warbaahino ay kamid yihiin ERGO,Dalsan iyo Wargeyska Daily Telegraph ee magaalada London ayaa waxa uu yimid iyadoo dhawaan wariye Koronto xabsiga dhexe loo gudbiyay.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media