Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamo taabacsan Kooxda Al-Shabaab oo gudaha u galay Magaalada Kismaayo

Aqrisatay:3931

al shabaabCiidamada Al-Shabaab ayaa gudaha usoo galay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo ku labisan dharka ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Wax dagaal ah uusan ka dhicin magaalada, waxayna magaalada haatan kaga sugan yihiin xaafadda Guul-wade oo xigta dhinaca galbeed ee magaalada.

Dad la rumaysan karo ayaa sheegay in ciidamada Al-Shabaab xiran yihiin surwaal iyo shaar cagaaran oo loo ekeysiiyay labiska ciidamada ammaanka Kismaayo ee maamulka kumeel-gaarka ah ee magaalada haysta.

Xalay iyo habeen hore waxaa ciidamada ammaanka Kismaayo ee maamulka lagu amray inay magaalada ammaankeeda sugaan oo ay waddooyinka socdaan, laakiin Shabaab ayaa waji kale u yeelan oo ciidankii dharka la xirtay.

Markii laga warhelay arrintaas ayay ciidamadii Kismaayo ku sugnaa ee ammaanka sugayay waxay galeen difaac waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas mir-mir u dhacaysa mana jirto xaalad kacsan marka laga reebo in ciidamada guud ee magaalada ku sugnaa ay difaacyadoodii sii adkeeyeen.

Dhinaca ay Shabaab kasoo galeen magaalada waxay xigtaa meel gees ah waxayna dhabarka ku haysaa dhul baadiye ah oo waddooyin badan leh.

Al-Shabaab ayaa si xirfadaysan waxay magaalada ugu soo siqayaan dhinacyo badan marka laga reebo dhulka xeebta ah oo ay ku badan yihiin Militeriga Kenya.

Saraakiisha Kismaayo ayaa diiday in ay faah fahin ka bixiyaan xaaladan kusoo korortay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Warbaahinta Horyaalmedia.com

Muqdisho_Soomaaliya

Horyaalmedia@live.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media