Ciidamada Ethpoia Oo Dagaal Kula Wareegay Magalada Baladweyne :

Aqrisatay:731

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay gudaha magalada baladweyne kadib markii ay weerar ku soo qadeen ciidamada dowlada ethopia iyo kuwa dowlada kmg ah ee somaliya ay isku dhex baacsadeen kooxda al-shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid dhaliyay qasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed iyadoo dhanka bari ay ka soo weerar qadeen ciidamada ethopia iyo ciidamada dowlada somaliya waxana dagaal jilbaha la isku aas tay uu ka dhacay gudaha maglaada oo la isku adeegsaday hubka culus iyo mid ka fudud waxaana sii dheeraa duqeyn lagu garacay magalada baladweyne.

Kooxda al-shabaab ayaa u dib isaga baxay magalada waxana soo galay ciidamo fara badan oo ay lee yihiin dowlada ethpopia iyo kuwa dowlada oo fadhiisin ka dhigtay magalada baladweyne.

Intii ay magalada ka bixin ururka al-shabaab ayaa waxa ay fasaxeen maxaa bistii ku jirtay xabsiga magalada baladweyne,dadka magaalada oo aan kula hadalnay telphonka ayaa shegaayo in magalada ay faaruq tahay qof walbana uu ku jiro gurigiisa mar marka qaarna laga maqlaayo banaanka magalada rasaas xoogan.

Dowlada kmg ah ee somaliya ayaa xaqiijinaysa inay dagaal kula wareegeen gudaha magalada baladweyne iyagooshegay inay dagaalka kali ku ahaayeen ayna kala qeyb galin ciidamada ethopia,xili gudaha magalada baladweyne lagu arkaayo ciidamo fara badan oo ethopian ah,

Dhanka kale wax war ah kama soo bixin kooxda al-shabaab iyadoo warbaahinta ku hadashada afka al-shabaab saakay laga sii dayey in ciidamo ethpoian ah gudaha magalada bladweyne soo galeen.

Xaalada ayaa ah mid gacsan oo waxaa xiran goobihii ganacsiga iyo wax barashada iyadoo laga baqdin qabo in mar kale la isku soo rogaal celiyo dagaal gudaha magalada baladweyne ka dhaca iyadoo meel aan sidaa uga fogeyn laga maqlayo rasaas ay isku weedaar sanayaan.

Wararka aynu helayno ayaa sheegaayo in dhac xoogan lo geystay saldhigyadii al-shabaab oo la arkaayo ciidamada dowlada KMG ah ee somaliya oo qadanaya alaa bihii xafiiska waxaana la dajiyay calanka madow ee kooxda al-shabaab iyadoo lagu badalay midka astaanta calanka somaliya .

Waxi Ku soo Kordhaa Kala Soco Warkeena Xiga :

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:

Horyaalmedia@gmail.com

Www.horyaalmedia.com

 

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media