Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku Dhigay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe
Aqrisatay:471
Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaa shanaya Kuwa Amisom ayaa la sheegay inay la wareegeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Hoose.
Ciidamadan La Wareegay Magaalada Jowhar ayaa ahaa kuwa ku hubeysan taangiyo iyo gawaari aad u fara badan waxaan adadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen in Ciidamada Kooxda Shabaab aad uhubaysan ayaa gudaha ugalay magaalada kadib markii ay Kooxda Shabaab isaga baxeen saakay xili hore,
Dad kusugan magaalada Jowhay ayaa Warbaahinta Horyaalmedia.com u sheegay in ciidamadan ay haatan kusugan yihiin saldhiga magaalada, Iyo xarunta maamulka ee isla Magaalada Jowhar.
Ugu Danbey Saraakiisha dowlada ee Hogaaminaysay Ciidamada la wareegay Jowhar ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdajiyaan ayna magaalada ka samaynayaan howlgalo lagu baadi goobayo kooxda Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com
Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com






















