Ciidamada AMISON oo Gaari Ku Dilay Sarkaal Ka tirsan Ciidamada Dowlada
Aqrisatay:1461
Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM ay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa halkaasi.
Hilowle Ciise Hagaraay, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada eek u sugan Shabeelaha Hoose ayaa sheegay isaga oo la hadlay Radio Muqdisho in sarkaalkasi uu jiiray “Dardaray”,gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM
Dhaawac ahaan ayuu sheegay in loo dhigay isbitaalka Madiina magaalada Muqdisho laakiin markii dambe uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Waxaa uu magaciisa ku sheegay C,salaan Sheikh Hilowle,islamarkaana uu ka tirsanaa guutada sedexaad ee ciidamada dowlada eek u sugan Shabeelaha Hoose.
Baaritaano ay sameeyeen ayuu qiray in ciidamada sarkaalka tirsan ay ka tirsanaa AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda,islamarkaana ay degen yihiin deegaanka Carbiska.
Share





















