Chelsea oo iska ceyrisay tababare Roberto Di Matteo (Warxiiso leh).

Aqrisatay:803

Kadib 8-bilood oo uu hayey jagada tababarnimo ee kooxda Chelsea ayaa waxaa koor dhaweyd la shaaciyey in macalinka reer Talyaani ee Roberto Di matteo in laga ceyriyo kooxda Chelsea.

Warkaani oo ay shaaciyen wargeysyada dunida ee ka faalooda Ciyaaraha ayaa lagu sheegay in xiligaani wixii ka dambeeya Di matteo uu fasax ka yahay kooxda Chelsea.

Kooxda Chelsea waxaa xalay soo gaaray guulsdaro xanuun badan oo ay hubisay kooxda Juventus waxaana Maalmihii dambe ay aheyd mid lala xiriirinayey macalimiin badan oo uu kamid ahaa Macalinkii hore ee Barcelona.

Horyaalka Iminka waxa ay kaga jirtaa Chelsea kaalinta 3-xaad waxaana kahoreeya walaalaha Manchester oo kuloolamaya fooqa sare ee horyaalka.

Xidigo badan oo ka tirsan Chelsea ayaa ka carooday in la fasaxo Macalinka oo markii ugu horeysay kooxda uqaaday Champions Leage iyo koobka FA oo uu uqaaday Sanadkaan.

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media